Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»XOG: Dilkii Xildhibaan Madoobe oo la siyaasadeeyay & Xasaanadda Xildhibaan Abukaate halis ku jirta

    XOG: Dilkii Xildhibaan Madoobe oo la siyaasadeeyay & Xasaanadda Xildhibaan Abukaate halis ku jirta

    December 23, 20172 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dilkii dhowaan Muqdisho loogu geystay xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamanka Gal-Mudug ayaan weli wax xal ah laga gaarin arrntiisa.

    Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Beelaha Ujeejeen iyo Duduble ayaan weli ku guuleysan inay kiiskaasi wax xal ah ka gaarin, marxuumka ayaa waxaa toogtay ilaaladda xildhibaan Maxamuud Abuukate oo ka tirsan Baarlamanka Somalia.

    Xildhibaan Maxamuud Abuukate wuxuu ka tirsan yahay xildhibaanadda aadka u mucaaradsan Dowladda madaxweyne Farmaajo, dilka markii uu dhacay kadib labadda beelood ayaa dhowr gogol isugu yimid si arinta looga xaajoodo, balse wax xal laga gaari waayay dhiigga iyo falka dhex yaalla labada dhinac.

    Sababta ilaa hadda arintaan u cakiran tahay ayaa la sheegay inuu ka dambeeyo xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas oo ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge oo iyaduna ka tirsan Baarlamanka Somalia, labadaan xildhibaan oo kasoo wada jeeda beesha Duduble gaar ahaan Maqlisame ayaa raba in xildhibaan Abuukate dambi lagu soo oogo xasaanadana laga qaado si loo maxkamadeeyo.

    Xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas iyo xildhibaanad Ikraan Aadan Absuge ayaa ka mid ah xildhibaanadda aadka ugu dhow xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre. Mid ka mida nabadoonadda beesha Duduble ee qeybta ka ahaa waanwaanta ayaa sheegay in Senator Dhagey Geele Ugaas uu hor istaagay in xeer dhaqan lagu dhameeyo arinta isagoo ay u muuqato cadaawad kale oo siyaasadeed oo kala dhaxeysa xildhibaan Abuukaate.

    “Hadii aan u hadlo odey ahaan, walaalkeen Madoobe waa dhintay, labadda reer ee Duduble iyo Ujeejeen Cismaan waaa dad walaalo ah, waxaa ka dhaxeyn jiray xeer iyo iney diyo kala qaataan ,laakiin siyaasiyiinteena ayaa diidan arintaas, odayaashii arinta waday inta badan laaluush ayaa la siiyay qaarna waa loo hanjabay si kiiska ay uga baxaan oo dacwo loo furo, runtii waa ka xunahay arintaas ayuu yiri nabadoonkaas diiday inaan magaciisa isticmaalno.

    Dhinaca kale xildhibaan Abuukate ayaa la sheegay inuu arintaan cudur daar ka bixiyo uuna diyaar u yahay inuu si walba u qanciyo beesha Duduble, Ugaaska beesha Ujeejeen ayaa isna sheegay inuu rajeynaayo in wax walba wanaag lagu dhameeyo.

    “Dad badan ayey la yaab ku noqotay in xildhibaanadda Duduble ay ka boodaan xeerkii Hiraab lagu dhaqi jiray oo ay arinta siyaasad ka dhigaan, gaar ahaan arinta nuucaan ah marna kama fileyn xildhibaan Yuusuf Geele Ugaas ayuu yiri Maxamed Cali Hurdaaye oo ka mid ah wax garadka beesha Mudulood.

    Duduble Galmudug Ujeejeen Xildhibaan Abukaate xildhibaan Madoobe Cabdi Guuleed
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO: Cali Maxamed Geedi oo si buuxda u taageeray dowladda Farmaajo, Jawaaabna u diray C/raxmaan C/shakuur
    Next Article Mas’uul ka tirsan degmada Waaberi oo lagu khaarijiyey Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo