Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu heshiiskan kasoo shaqeeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo kulan la yeeshay madaxweynaha Hirshabeelle, isla markaana isu keenay madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Muqdisho ku wada sugnaa.
Shirar ka socday Muqdisho ayaa lagu soo afjaray xiisadii siyaasadeed iyo khilaafkii keenay in mooshin laga keeno madaxweyne Waare, isla markaana maamuka Hirshabeelle uu galo qalalaase siyaasadeed oo culus.
Waanwaanta uu ka odayeeyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre lagu keentay in dhinacyada k u lugta lahaa khilaafka maamulka Hirshabeelle lasoo afjaro iyadoo meesha laga saaray khilaafkii dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Hirshabeele oo wadashaqeyntoodii dib loo soo celiyay.
Waxaa kaloo heshiisku dhigayaa in maamulka Hirshabeelle ay wada shaqeeyaan iyadoo dib ugu laabanaya magaalada Jowhar, isla markaana aanu jiri doonin mooshin, waxaana kulamo dheeraad ah yeelanaya saddexda mas’uul ee ugu sareeya maamulka Hirshabeelle.
Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mid ahaa madaxda maamul goboleedyada ku shiray magaalada Kismaayo ee xiriirka u jaray dowladda Federaalka, waxaana heshiiskan uu keenayaa inuu ka baxay go’aanadii shirkii Kismaayo.