Dowladda Soomaaliya ayaa u gacan gelisay dalka Denmark gabadh Soomaaliyeed oo hooyadeed raadineysay muddo laba bilood ku dhow, kadib markii uu maanta shaaciyey Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Maxamed Xasan inay gabadhaasi heleen oo gacan ammaan ah ku jirto.
Ilo kala duwan oo ka tirsan, Madaxtooyada Soomaaliya, ciidamada Booliska iyo Qoyska Amaal Nuur Cusmaan ayaa Gobjooge.net u xaqiijiyey in gabadha galabta laga dhoofiyey Garoonka diyaradaha magaalada Muqdisho, markii taliska Booliska uu u gacan geliyey saraakiil ka socotay safaarada Denmark ee magaalada Nairobi oo arrinteeda Muqdisho u yimid.
Wararka ayaa sheegaya in Amaal ay caawa ka degtay dalka Norway, waana kiiskii ugu horeeyay ee noociisa ay ee dowladda Soomaaliya ay dal kale u gacan geliso gabar ay hooyadeed dibadda kasoo celisay oo dhaqancelin ahaan u keentay caasimadda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa laga soo xigay in Amaal ay diiday inay hooyadeed aragto, iyaduna ay ahayd qof qaangaar ah oo arrimaheeda go’aan ka qaadan karta. Waxaa muuqata tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya lagu daboolay kiiskii ay Amaal hooyadeed furtay ee ahaa in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ay gabadheeda afduubteen.
Taliyaha Booliska ayaa maanta sheegay in Amaal ay gacanta ku hayeen Hay’ad Samal oo uu magaceeda ku sheegay Center For Women Development, taasoo su’aal badan dhalisay sida Hay’ad samafal ay gabadhaasi muddo intaas la eg u hayn kartay, wuxuuna ku dooday in gabadha ay qaangaar ahayd da’deeduna ahayd 18 sano jir, isagoo beeniyey warkii ay hooyadeed Amran Xalane hore u sheegtay oo ahaa inaysan qaangaarin.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo arrintan markii danbe soo dhex galay, markii uu la kulmay qoyska Gabadha, kana qaaday caddeymihii ciidamada Madaxtooyada ayaa ku wargeliyay Galabta in gabadhii Amaal loo dhoofiyey Dalkii laga keenay ee Denmark, taasoo filanwaa ku noqotay hooyadii iyo qoyska intiisa kale.