Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xirtay guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Gedo iyo Gudoomiyaha degmada Baardheere kadib markii ay waanwaan muddo socotay shalay ku keentay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee taageersanaa maamulka Axmed Madobe Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Alqaadi) iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland Ismaaciil Qorrax ayaa shalay lagas oo duuliyey magaalada Baardheere markii in muddo ah wadahadal u socday dowladda Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in markii Muqdisho la keenay xabsi loo taxaabay.
Wararka la sheegay in markii ay mas’uuliyiintan shalay kasoo degeen Garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dowladda oo kadib u kaxeeyay xarunta wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya, halkaasoo markii danbe loo sheegay inay xiran yihiin. Ma jiro wax faahfaahin ah oo dowladda Federaalka ka bixisay xarigooda iyo arrimaha lagu heysto.
Labadan mas’uul ee Gobolka Gedo ayaa ka tirsanaa maamulka Jubbaland, waxayna muddo dheer ka horjeedaan qorshaha dowladda Soomaaliya, waxaase markii ugu dambeeyay lagu qanciyey wadahadal lala galay oo lagu keenay caasimadda, laakiin markii dambe la xiray.