Iyadoo uu dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada Galmudug ayaa waxaa socda waanwaan laga dhex wado Ahlu suna iyo dowladda Soomaalya si xal loogu helo khilaafka ka dhex taagan oo hadda ku soo ururay xubno ay dooneyso Ahlu suna inay ku yeelato Baarlamaanka cusub ee Galmudug.
Xogta ay heshay Wadani.net ayaa sheegeysa in wahadalladii ugu danbeeyay ee uu hormuudka u yahay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahlu suna lagu gaaray is-faham hordhac ah oo la isla qaatay, iyadoo la filayo in lasoo gabagabeeyo maalmaha soo socda.
Heshiiska cusub laga dhex wado Ahlu suna iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku saabsan in Ahlu suna 20 xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka cusub ee Galmudug, halkii ay ka doonayeen 35 xildhibaan, waxaana xubnahaasi laga soo jarayaa beelaha Galmudug wada dhistay, iyagoo ku imaanaya magaca Ahlu suna.
Madaxda Ahlu suna iyo dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isla ogolaadeen heshiiskan, laakiin weli laga war sugayo go’aanka ugu danbeeya hoggaamiyaha Ahlu suna, si looga gudbo caqabada weyn ee hortaagan dhismaha maamulka Galmudug.
Dib u dhac ayaa ku yimid jadwalka Guddiga Doorashada Galmudugs oo saareen oo ay ku caddeyd in maanta oo an 10-ka Disembar 2019 loo qoondeeyay in xildhibaannada cusub ee Galmudug ay yeeshaan klulankoodii ugu horeeyay.