Dowladda Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid dowladda Masar oo ku saabsan saldhig milateri oo ay ku yeelato dhulka Soomaaliya.
Warar laga soo xigtay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Masar codsiyo kala duwan u dirtay, isla markaana dadaal u gashay in saldhig milateri laga siiyo Soomaaliya, siiba maamulka Somaliland iyo Jabuuti, balse ay diideen dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ururka mucaaradka Erteriya ee lagu magacaabo (The Red Sea Afar Democratic Organization – RSADO) ayaa sheegay in Masar ay ugu danbeyn saldhig milateri ka heshay dalka Ereteriya, waxayna saldhig laga siiyay degaanka Nora ee jasiirada Dahlak, waqti aan la shaacin.
Heshiiskan ayaa yimid kadib wafdi heer sare ah oo dowladda Masar u dirtay Ereteriya oo heshiiskaasi lagu gaaray. Waxaa kaloo saldhigyo milateri ku leh Ereteriya Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, waxaa kaloo la sheegaa in Israa’iil ay saldhig milateri ku leedahay.
Wafdiyo is dabajoog ah oo Masar u soo dirtay Muqdisho kadib markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la sheegay in arrintan lagu soo qaaday. Laakiin Imaaraadka Carabta ayaa ugu hormartay oo saldhig laga siiyay maamulka Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera.
Wadani.com