Khilaaf ku sabasan adeegga ay bixiso Shirkadda Albeyrak ee maamusha Dekadda Muqdisho iyo Ganacsatada adeegsata dekadda Muqdisho ayaa cirka isku shareeray.
Ganacsatada ayaa ka cabanaya Shirkadda Turkiga ah ee maamusha dekadda Muqdisho oo aaa wax adeeg ah siinin, isla amrkaana si amar ku taagleyn ah lacag badan uga qaadata ganacsatada.
Arrintan oo muddo soo socotay ayaa qaraxday dhowaan markii Wiishka qura ee Shirkadda Albeyrak leedahay oo Konteenarad ka dejiya Maraakiibta cilad soo wajahday isagoo markii hore ahaa Wiish Duug ah oo aan shaqo joogto ah qaban karin, taasoo keentay inay Ganacsatada ku qasbanaadaan inay soo kireystaan Wiish kale, balse Shirkadda Albeyrak ay dooneyso in la siiyo lacagtii dejinta baceecadaha.
Ganacsatada ayaa ka gadooday falalka shirkadda Albeyrak oo sidoo kale aan wax horumarin ah ku sameyn dekadda Muqdisho, waxana dacwad gaarsiiyeen maamulka dekadda iyo dowladda Federaalka, iyagoo ku hanjabay inay joojiyaan adeegsiga dekadda Muqdisho, una wareegayaan dekadaha kale ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale maanta tegay fara geliyay Dekadda si xaaladda is mari waaga ah wax loog qabto, wuxuuna maamulka Dekadda iyo shirkadda Albeyrak kala hadlay xaalada dekadda iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.
Albeyrak ayaa dhowaan maamulka dekadda ka hor istaagtay inay wax shaqo ah ay ka qabtaan ama ka howlgalaan dekadda Muqdisho.