Iyadoo ay weli socoto waanwaanta laga dhex wado Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo dhinac ah si xal loogu helo Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo lagu diiday go’aan uu ka qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xogta laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegeysa in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo go’aan ku gaaray inuusan la sii shaqeyn karin Maxamed Mursal Sheekh oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo u sheegay ragga ugu dhow inay keenaan qorshe xilka looga qaado Guddoomiye Mursal waqtiga dhow.
Arrintan ayaa la sheegay inay ku diideen Madaxweynaha, dibna ugu celiyeen ragga ay taladu ka go’do ee kooxda Madaxtooyada sida Ra’iisal wasaaraha iyo Kusimaha agaasimaha NISA, Waxaana kadib taageeray guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka oo ku dooday inaysan suuragal ahayn doorasho guddoomiye cusub oo Baarlamaamku yeesho.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in lagu celiyey qorshahaasi, waxaana markaas kadib bilowday waanwaan lala furay Guddoomiye Mursal oo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu kasoo debcay mowqifkiisii hore.
Waxaa la joojiyey mooshin loo diyaarinayey xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay wadeen xildhibaannada taageersan Madaxweynaha iyo xukuumadda, xilli dhowr jeer shaki laga muujiyey is-afgarad lala gaaray Guddoomiye Mursal oo uu fulin waayey, waxaase rajo laga qabaa in xaaladda markan lagu qancin karo, kadib doorashada Arbacadda ka dhici doonta magaalada Baydhaba.