Wadahaladdii khilaafka Habraaca Doorashada Golaha Shacabka ayaa natiijo la’aan noqday, kadib markii labadii dhinac ka mida ay intooda badan baaqdeen kulamadii guddi loo saaray arrintan.
Guddi ka kooban labada dhinac ee madaxda Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta ayaan wax natiijo ah oo rasmi ah ka gaarin arrimihii la isku hayey, waxaana kulamadii lagu ballamay ka qeyb geli waayey madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed.
Sida xogta lagu helay xubnihii ka socday Musharixiinta ee kala ahaa: Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/raxmaan C/shakuur iyo Dahir Geelle ayaa kaliya la kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, isagoo u sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono qodobadda ugu waaweyn ee tabashada laga keenay.
Lama oga sababaha ay Axmed Qoorqoor iyo C/casiis Lafta-gareen uga baaqsadeen kulamadii Guddiga loo saaray xal u helidda diidmada lagala hor yimid Habraacii Doorashada Golaha Shacabka, waxaana jira rajo xumo ku saabsan in Madaxda Maamul Goboleedyada ay diyaar u yihiin wax ka bedelka Habraaca ay saxiixeen ee muranka dhaliyey.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa qaar ka mida u safreen maamul Goboleedyadooda iyo safarro dibadda ah, xilli la isu diyaarinayo safarka Sacuudiga oo aan weli kala caddeyn inuu dhici doono.
Habraaca Doorashada waxaa ka hor yimid Midowga Musharixiinta, Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka, laakiin ma jiro hubanti ah inay madaxda maamul Goboleedyada wax ka bedeli doonaan.
