Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»XOG: Hay’adaha Amniga oo Qariyey Qasaaraha Qarixii maanta iyo xogta Ergadii ku dhaawacantay

    XOG: Hay’adaha Amniga oo Qariyey Qasaaraha Qarixii maanta iyo xogta Ergadii ku dhaawacantay

    February 10, 2022Updated:February 11, 20222 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka ayaa qariyey qasaaraha ka dhashay Qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta, kaasoo waxyeelo kasoo gaaray ergo kasoo jeeda Somaliland.

    Sida xogta lagu helay waxaa qaraxa uu haleelay Gaari Bas ah oo ka mida kuwii ay la socdeen ergadaasi, waxaana dhaawacyo qaarkood culus yihiin kasoo gaaray ku dhowaad 8 Dumar ah oo kasoo jeeda Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco oo ka mid ahaa ergada Doorashadii maanta Muqdisho ka dhacday.

    Hablaha ergada ahaa qaarkood ee qaraxa is-miidaaminta ku dhaawacmay ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Digfeer waxaan la sheegay in laba ka mida ay qabaan dhaawacyo culus oo ay qalliin galeen, iyadoo baraha bulshada lagu hadal hayo xaaladooda, qaarkoodna ay ahaayeen dad aad looga yaqaan.

    Landa Cabdi Maxamed iyo Amal Baashe oo ka mida ergda ku dhaawacmay qarixii maanta ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshada ee dadka kasoo jeeda Somaliland, waxaana duco loogu diray hablaha dhaawacmay, iyadoo la is weydiinayo sababta keentay inay dowladda iyo Hay’adaheeda Amniga ay qariyaan dhibaatadaasi.

    Warbaahinta Dowladda ayaan soo hadal qaadin warka qaraxa weyn ee maanta dhacay iyo qasaaraha uu geystay, waxayna ciidamadu diideen inay saxafiyiintu tagaan goobta qaraxa, iyadoo tacadi kula kacay weriyeyaasha qaarkood.

    Afhayeenka Booliska Col. Cabdifitaax Aadan Xasan oo war kooban kasoo saaray qaraxa ayaa ka gaabsaday inu ka hadlo qasaaraha qaraxu geystay. Qaraxan ayaa u muuqda in Hay’adaha Amniga ay go’aansadeen inay qariyaan, laakiin dhibannyaashii iyo dadkooda ay bannaanka soo dhigeen.

    Amiin Ambulance oo gaadiidkooda gurmadka ay goobta gaareen ayaa sheegay inay qaadeen 6 qof oo meyd ah iyo 13 qof oo dhaawac ah, sida uu sheegay madaxa Aamin Ambulance Dr. C/qaadir C/raxmaan.

    Dhinaca kale Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay qaraxa ku dishay 11 qof oo isugu jira ergo iyo ciidamada Booliska.

    Alshabaab Doorashada Ergo Qarax Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDad isku Qoys ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Gaarisa, Gobolka Waqooyi Bari
    Next Article Kursi ay isu sharxeen Musharixiintii ugu badnaa oo Doorashadiisa la joojiyay Dhuusamareeb iyo Sababta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo