Wararka laga helayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya inm halkaasi lagu dhexdhexaadinayo madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.
Labada madaxweyne oo ay u dhaxeyso xiisad colaadeed ka oogan tahay magaalada Gaalkacyo ayaa hadda ku wada sugan dalka Imaaraadka Carabta, waxaana ku wehliya madaxweynayaasha maamulada kale ee Soomaalida iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Imaaraadka Carabta oo galaangal weyn ku leh maamulada Soomaalida ayaa si aan la shaacin dalkeeda ugu yeertay dhammaan madaxda dalka, waxayna wararku sheegayaan in ay wado dadaal nabadeed oo lagu xalinayo colaadda Gaalkacyo iyo madaxda Soomaalida ee Madasha Qaran ay shirkoodii ugu danbeeyay ku yeeshaan halkaasi.
Madaxda Soomaalida ayay caado u noqotay in dalal iyo quwado shisheeye ay mar waliba u hogaansamaan iyagoo dhexdooda is diidan, isla markaana ka horjeeda dowladooda.
Wadani.com