Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Inqilaab miyuu ka badbaaday Madaxweyne Famaajo? (Sababtii keentay inuu baajiyo kulankii labada Aqal)

    XOG: Inqilaab miyuu ka badbaaday Madaxweyne Famaajo? (Sababtii keentay inuu baajiyo kulankii labada Aqal)

    December 27, 2020Updated:January 2, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo mudaddii xilkiisa ay sii dhammaaneyso ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag markii uu Xeer Madaxweyne kusoo saaray dib u dhigista Dastuurka KMG ah.

    Arrintan waxay ka bilaabatay markii madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu qoraal u diray Labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, kana dalbaday in Baarlamaanku kulan yeesho si aanu dalku u noqon dastuur la’aan, dib u dhigisna ku sameeyo Dastuurka oo Baarlamaanka 10-aad lagu guuleysan waayay in afti loo qaado. (Akhriso)

    Waxaa shir isugu yimid Guddiga Joogatada ah ee Golaha shacabka oo go’aamiyey inay labada Aqal shir ka yeeshaan Arrintan, si ay usoo saaraan habraaca loo baahnaa ee wax ka bedelka qodobka 136-aad ee Dastuurka.

    Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa qoraal dalbasho kulan ah u diray Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyadoo lagu ballamay in kulanka labada Aqal qabsoomo 23-kii bishan Disembar; laakiin waxaa si lama filaan ah arrinta u soo dhex galay Madaxweyne Farmaajo oo kulankaasi joojiyey isagoo usoo maray Guddoomiye Mursal. (Akhriso qoraalka Cabdi Xaashi)

    Waa qoraalkii Guddoomiye Mursal ku dalbaday kulanka labada Aqal

    Waxaa loo ballansanaa kulan ay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka yeeshaan Arbacadii 23-ka Disembar 2020 si ay isbedel kooban ugu sameeyaan Qodobka 136-aad ee dhaqangalka Dastuurka markii la dhammeystiri waayey, lana qaban waayey afti lagu ansixiyo oo dadweyne, waxaana kulankaasi ujeedkiisu ahaa in dhammeystirka Dastuurka uu Baarlamaankan 10-aad u gudbiyo Baarlamaanka soo socda ee 11-aad. (Akhriso Go’aankii Baarlamaanka 9-aad)

    Xogta ay heshay Wadani ayaa sheegeysa in Madaxweynaha uu la-taliyeayasha ka helay digniin ku saabsan in haddii ay kulmaan labada Aqal ay u badan tahay inay codka kalsoonida u qaadaan Madaxweyne Farmaajo, xubno mucaarad ahna ay wadaan qorshahaasi, sidaasina xilka uga qaadaan, sidii ku dhacday Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre 25 July 2020.

    Madaxweyne Farmaajo oo gacan ka helay Guddoomiye Mursal ayaa qaatay taladii la-talyeyaashiisa, wuxuuna ka hortegay inuu qabsoomo kulanka lagu ballamay ee labada Aqal, isagoo dhinaca kale u yeeray Guddiyada dib u eegista Dastuurka, kadibna Xeer Madaxweyne oo isaga ka bilowday, kuna dhammaaday kusoo saaray shaqadii uu Baarlamaanku qaban lahaa.

    Arrinta uu qaaday madaxweyne Farmaajo waxaa shacri darro iyo ku tumasho Dastuur ku tilmaamay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna sharci-yaqaanadu ka digeen in Soomaaliya noqoneyso dal dastuur la’aan ah; laakiin Madaxweyne Farmaajo waxay uun ka ahayd inuu isku badbaadiyo halis loo sheegay inay kusoo wajahan tahay xilkiisa.

    Aqalka sare Baarlamaanka Dastuurka Farmaajo Inqilaab Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXaalad milateri oo ka jirta magaalada Beledweyne iyo Dad badan oo lagu xirxiray (Wararkii ugu danbeeyay)
    Next Article Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha oo lagu casuumay Madasha Garowe (Yaa uga qeyb galaya?)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo