Wararka laga helayo ilo ka tirsan Guddiga Doorashada Dadbana ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dib loo dhigayo waqtiga loo qabtay doorashada Madaxweynaha.
Xogta ay heleyso Wadani.com ayaa sheegeysa in Guddiga Doorashada ay diyaariyeen qorshe ay doonayaan inay wax ka bedel ku sameeyaan jadwalkii doorashada 2016, siiba xilliga madaxweynaha oo hore loo qorsheeyay inay dhacdo 30 Oktoobar.
Waxaa lagu wadaa in Guddiga Doorashada uu shaaciyo maalmaha soo socda dib u dhigista Doorashada ka hor shir gaara Golaha Ammaanka ka yeelan doono aakhirka bishan arrimaha Soomaaliya.
Xilliga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda loo bedelayaa 30-ka Bisha November 2016. Arrintan oo keeni karta inay ka hor yimaadaan Beesha caaalmka iyo Golaha ammaanka.
Qaar ka mida musharaxiinta Xilka madaxweynaha ayaa muujiyay welwelka ay ka qabaan in doorashada 2016 ay noqoto mid jiitanta oo ugu dambeyn lagu shubto.
Wadani.com