Wararka laga helayo xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in isbedel balaaran lagu sameyn doono guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ibedelkan oo la socda guddoomiyaha cusub Taabit Cabdi Axmed ayaa saameyn ku yeelan doono ku dhowaad 10 guddoomiye oo la sheegay inay xilalkooda weyn doonaan.
Waxaa xarunta Gobolka ka socday olole loogu jiro xilalka guddoomiyeyaasha, iyadoo CV-yo badan ay gaareen xarunta maamulka gobolka, waxaana la sheegay in magacaabidda inta badan guddoomieyaasha cusub la soo gabagabeeyay, lana filayo in la shaaciyo maalmaha soo socda.
Guddoomiyeyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banadira ayaa u badnaa dhalinyaro maamulkii Xasan Muungaab magacaabay oo u badan aqoonyahano kasoo baxay jaamacadaha dalka Suudaan, waxaana la sugaa kuwa lagu bedeli doono muuqaalka ay yeelan doonaan.
Wadani.com