Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Kooxda Farmaajo oo 3 Caqabad u diyaarisay ka hortagga Dhaarinta Xildhibaannada

    XOG: Kooxda Farmaajo oo 3 Caqabad u diyaarisay ka hortagga Dhaarinta Xildhibaannada

    April 1, 2022Updated:April 11, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib markii xalay ay Guddiga Doorashada Heer Federaal ee SEIT iyo xoghayeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Shaaciyeen Liiska xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa soo baxay diidmo ka timid Madaxtooyada Soomaaliya.

    Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa oo la hadal hayey inay diidan yihiin, isla markaana hor istaagi doonaan dhaarinta xildhibaannada, iyagoo doonaya inay dib u sii dhacdo gabagabeynta Doorashada ayaa saqdii dhexe kadib la yimid qorshihii ugu horeeyay ee Caqabado ay u diyaariyeen in looga hortago dhaarinta xildhibaannada cusub.

    Guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha labada Aqal ayey ku qaadatay saacado inay shaaciyeen Liiska xildhibaannada, kadib markii ay faragelin ka timid Madaxtooyada, iyadoo doodu ka dhalatay xubno kusoo baxay kuraas uu Guddiga FEIT hore u joojiyey doorashadooda oo Guddiyada Doorashada K/Galbeed iyo Hirshabeelle ay ku adkeysteen inay qabtaan.

    Afarta xubnood ee Liiska shaacinta laga reebay waxaa ugu horeeya gacan-yaraha Farmaajo, agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana ka mida saddex kursi oo dacwad ka taalay K/Galbeed.

    Caqabadda koowaad

    Kooxda Farmaajo waxay xalay abaabushay xubno ka mida Guddiga Doorashada FEIT, si loo muujiyo inay guddiga isku khilaafsan yihiin shaacinta Natiijada, waxaaba xilli danbe saxaafadda la hadlay Xoghayaha Guddiga C/raxiim Cabdicasiis Aadan oo isku dayey inuu beeniyo Liiska xildhibaannada la shaaciyay.

    Qorshaha kala jebinta Guddiga iyo Qalalaase ka dhex abuurka dhexdooda ah ayaa fasilmay waxaana Villa Somalia u qaabilsanaa Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxamed Xasan Cirro, Xogahaya xilka laga eryay iyo ilaa 4 xubnood oo kale.

    Caqabada labaad

    Sida laga soo xigtay xafiiska Farmaajo qorshaha labaad ee ay doonayaan inay uga hortagaan dhaarinta xildhibaannada waa in Madaxweynaha K/Galbeed uu xildhibaannada kasoo baxay K/Galbeed ku amro inaysan tegin Xamar oo aysan ka qeybgelin dhaarinta xildhibaannada cusub oo loo asteeyay inay dhacdo 14-ka bishan April 2022.

    Qorshahan ayaa hirgalay, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu waanwaanaan cidna u dirsan oo xeeladeysan ku tegay magaalada Baydhaba, isagoo la safan dhinac ka mida qeybaha is haya.

    Caqabadda Saddexaad

    Waa tan ugu danbeysa oo ugu culus haddii ay shaqeyn waayaan labada caqabad ee hore, waana mid la xiriirta xaalad amni oo Muqdisho laga abuuro si looga hortago Dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad oo soo afjareysa jirintaanka awoodii Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Caqabada saddexaad waxaa ka horeysa abaabula ka socda Gobolka Gedo, iyadoo uu Farmaajo halkaasi u diray ninkii u qaabilsanaa Gobolkaasi ee hadda ah xildhibaan dooran C/llaahi Kulane, waxaana 16-ka Kursi ay noqon doonaan arrinta lagu quusto ee hakinta dhaarinta xildhibaannada, haddii ay kooxda Farmaajo awoodi waayeen inay awood adeegsadaan ama abuuraan xaalad amni oo dhaarinta xildhibaannada lagu hor joogsado.

    Ra’iisal wasaare Rooble oo taageero ka heysta Beesha Caalamka, inta badan maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta ayaa ku adkeysanaya inuu ku socdo jadwalka Doorashada, iyadoo uu wajahayo dagaalkii ugu danbeeyay ee Kooxda Farmaajo uga yimaada.

    Qormadan: Waxaa Wadani.net lagu daabacay 1-dii April, waxaa la cusbooneysiiyay 11-ka April 2022

    Doorashada Farmaajo Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUN Security Council votes for new Somalia peacekeeping force (ATMIS)
    Next Article Golaha Amniga Q/Midoobay oo ansixiyey Howgalka Cusub ee Midowga Afrika ee Somaliya ‘ATMIS’

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo