Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalkii labaad xalay ka fuliyey degmada Kaaraan, iyagoo baadi goobaya saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la sheegay in la bixiyey mar lagu soo xirayo.
Saraakiishan oo saldhigoodu yahay Gobolka Sh/Dhexe ayaa degan xarumo ciidamo u jooggana ku leh degmooyinka Waqooyiga Muqdisho, sida Kaaraan, C/casiis iyo Heliwaa, waxayna ku lug yeesheen dagaal xaafado ka tirsan Muqdisho ka dhacay Sabtidii oo qasaare dhaliyey.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in saraakiisha amarka lagu bixiyey in la soo xiro ay kala yihiin: Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.
Howlgalkii koowaad ee ciidamada dowladda ayaa habeenkii Sabtida lagu guuleysan waayey markii ay ka war heleen saraakiisha la weeraray iyo ciidamadooda ayna u baxsadeen duleedka Muqdisho iyo iyo Gobolka Sh/Dhexe. Waxaana ciidamada qeyb ka ahaa Booliska Haramcad, NISA iyo Gorgor.
Howlgalkii labad ee xalay ayaa lagu qaaday Guriga Sarkaalka lagu magacaabo Maxamuud Mas-dile, waxaana sarkaalkan uu sheegay in si xun loola dhaqmay askar ku sugneyd Gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan, isagoo sheegay inaan wax sharci ah loo marin weerarka lagu soo qaaday, iyadoo laga qabtay askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa.
Saraakiishan ayaa intooda badan ku eedeysan falal amar diido ah iyo inay heystaan ciidamo ka amar qaata oo maleeshiyo, waxayna arrintooda saameyn yeeltay markii uu dagalaka ku dhex maray Sabtidii degmooyinka Kaaraan iy C/casiis.
Cismaan Xaadoole ayaa lagu xusuustaa iska hor imaad uu 2014 la galay ciidamada Booliska dowladda oo keenay in la bixiyo amar lagu soo xirayo, isagoo hore u soo noqday Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo wasiir ka tirsan mamulka Hirshabeelle.
Maxamuud Mas-dille ayaa isaguna ku eedeyan inuu ciidamo ay isku heyb yihiin la goostay horrantii sanadkan 2020, wuxuuna fadhigiisu yahay degaanka Raage-Ceele ee Gobolka Sh/dhexe oo uu kasoo jeedo.

Abuukar Boonow ayaa isna ka mida saraakiisha milateriga Soomaaliya ee Guutada 12-ka April, kana howlgala Sh/Dhexe, isagoo qeyb ka ah saraakiisha maleeshiyooyinka ku dhex heysta ciidamada dowladda. Sarkaalka Joorre oo milateri ah, balse u shaqeeya sida Minishiibiyo ayaa isna maleeshiyo ku heysta xaafado ka mida C/casiis iyo Kaaraan.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilli danbe kusoo baraarugtay halista saraakiishan, wuxuuna howlgalka ka dhanka ah kusoo beegmay xilligii ugu xumaa oo fasiraad kala duwan laga bxiin karo.