Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya inuu fashil ku soo dhammaaday kulan dhexmaray waxgaradka beesha Cadaado iyo Madaxeyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulankan oo ay dalbadeen odayaasha iyo waxgaradka beesha Reer Xaaji Saleebaan ayaa ku saabsanaa cabasho ay beesha ka qabto heshiiska Galmudug iyo Ahlu suna, taasoo ay ka biyo diidan yihiin qaabka loo dhigay iyo maqaamka magaalada Cadaado.
Kulanka oo saacado qaatay, isla markaana muddo dib u dhigay safarkii madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbeyn lagu kala tegay sida ay sheegeen waxgaradka beesha oo ku sugan Cadaado, waxaana madaxweyne Farmaajo uu sii waday socdaalkiisii magaalada Dhuusamareeb oo uu goor dhoweyd gaaray.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay in arrintan dib looga wadahadalo, halka odayaasha beesha ay dalbadeen in balanqaad la siiyo, taasoo aan dhicin, waxayna odayaasha ka sheegteen inuu madaxweynaha ka dhaqaaqay, iyadoo aan waxba la isla meel dhigin.