Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Kursiga ay Ergada Somaliweyn dooratay iyo Lixda Xildhibaan ee kusoo baxay.!!

    XOG: Kursiga ay Ergada Somaliweyn dooratay iyo Lixda Xildhibaan ee kusoo baxay.!!

    April 15, 2022Updated:April 23, 20223 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ergadii uu Fahad Yaasiin la tegay Beledweyne waxay ahaayeen dad Soomaali oo dhan isugu jira, laguna doortay xildhibaannada halkan ku qoran (Akhriso)

    20-kii Febraayo 2022, waxaa magaalada Beledweyne ka degay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo diyaarado magaalada Muqdisho uga qaaday ergo uu doonayey inay u doorato kursiga Beeshiisa ee HOP086.

    Magaalada oo ku jirta murugada Qarax weyn oo ka dhacay, ayna ku dhinteen dad fara badan ayaa loo xiray Doorashada iyo kursiga uu soo qaadanayo La-taliyaha Farmaajo, waxaana bandow la geliyay dadweynihii Beledweyne.

    Doorashada kursiga HOP086 waxaa la qabtay iyadoo uu go’aan hakin ah kasoo baxay Guddiga Doorashada FEIT, waxaana Fahad la socday dad fara badan oo lagu yiqiin inay ka mid yihiin taageerayaasha kooxda N&N ee loo yaqaan CBB-da.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Ergada uu watay Fahad Daahir Axmed aysan ahayn ergada Beesha iska leh Kursiga, balse ay ka koobnaayeen taageerayaasha kooxda oo kasoo kala jeeda Somaliweyn, arrintaas oo odayaasha Beesha Reer Aw-Xasan ay caddeeyeen.

    Inuu Fahad kusoo qaatay Kursiga Beeshiisa ergo aan ahayn beeshii lahayd kursiga inkastoo qaarkood ay ku jireen, waxaana ergey kasta la siiyey lacag dhan $2000, waxaa kasii daran in ergadaasi ay sidoo kale doorteen shan kursi oo kale, kuwaas oo kooxda Farmaajo kasoo saaratay Magaalada Beledweyne, isla maalintaasi.

    Xildhibaannada (Halkan ka akhriso) kusoo baxay Ergadii Somalilweyn ee Fahad Yaasiin watay waxay kala yihiin:

    Xiis Xasan Aadan -Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka- ayaa ka mida xildhibaannada ay soo doorteen Ergadii Fahad Yaasiin, waxayna ka mid ahayd musharixiinta ay wataan kooxda Farmaajo, iyadoo kursigan hore ugu fadhiday.

    Maxamed Barre Fiyoore, wuxuu kusoo baxay kursiga HOP008, waxaana dooratay ergadii Fahad Yaasiin, iyadoo si degdega ay kooxda Farmaajo ay doorashadiisa u dedejisay, ergada uu heli karana ay ahayd mid aad u yar. Xildhibaan Dr. Hussein Abdi Elmi  oo kuriga hore ugu fadhiyey ayaana laga hor istaagay.

    Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, wuxuu dooratay ergadii Fahad Yaasiin, isagoo ahaa musharax aan taageero ka heysan Beeshiisa, Baarlamaankii hore ee 10-aadna kusoo baxay qalalaase, waxaana markan uu taageero ka helay madaxweynaha K/Gabeed iyo kooxda Farmaajo.

    Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, wuxuu saaxiib dhow la yahay Fahad Yaasiin, ergadiisa oo yareyd darteedna waxaa doorashadiisa ka qeyb galay ergadii uu Beledweyne geeyay Fahad Yaasiin.

    Cabdikariim Cumar Xusee:n waa xildhibaan kale oo kusoo baxay doorashada Ergadii Somaliweyn ee Fahad Yaasiin, waxaana kurisgan ay kooxda Farmaajo kala wareegtay Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble oo looga shakiyey xiriir uu la yeeshay mucaaradka. Cabdikariim Cumar Xuseen ayaa loogu deeqay ergda Fahad Yaasiin.

    Waxaa la yaab leh in Kursigii awoodda ciidan iyo dhaqaalaha dowladda loo adeegsaday ee HOP086 ee uu kusoo baxay agaasimihii hor ee NISA Fahad Daahir Axmed uu muran ku jiro markii Guddiga FIET ay ku dhegeen, halka shantii kursi ee ergadiisa ay dooratay ee sida sharci darrada ah kusoo baxay ay noqdeen xildhibaan rasmi ah oo la dhaariyay.

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub oo ka hadlay inuu Xiriir la yeeshay Alshabaab
    Next Article Akhriso: Shaxda 16-ka Kursi ee yaalla Gobolka Gedo iyo Tirada Beesha Mareexaan ku leedahay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo