Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Kursiga qarxiyey dagaalka siyaasadeed ee Dirta Waqooyi (Farmajo, Rooble, Kheyre & Sh. Sharif)

    XOG: Kursiga qarxiyey dagaalka siyaasadeed ee Dirta Waqooyi (Farmajo, Rooble, Kheyre & Sh. Sharif)

    January 25, 2022Updated:January 27, 20224 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kursigan wuxuu dagaal culus ka dhex qarxiyey taageerayaasha Rooble, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre, waxaana udub dhexaad u ah Mahdi Guuleed

    Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dirta Waqooyi ayaa mar kale isku khilaafay Doorashada Dadban, waxaana soo shaac baxay murankii ugu weynaa oo dhaliyey eedeynta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta.

    Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo ay wehliyaan Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow iyo odayaal kale ayaa shir jaraa’id eedeyn culus uga jeediyay Ra’iisal wasaare Rooble, taasoo dhalisay jawaab culus oo ka timid Garabka Raiisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Odayaasha la jira.

    Khilaafka labada dhinac ee Dirta Waqooyi wuxuu dagaal culus ka dhex qarxiyey taageerayaasha Rooble, Maxamed Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre, wuxuuna soo kiciyey odayaal beeleed oo kala taageeraya labada dhinac.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inkastoo dhinac waliba dadaal ugu jiro boobista iyo helitaanka kuraasta ugu badan ee Golaha Shacabka in haddana muranka cusub uu dhaliyey kurisga HOP238 oo ay leedahay Beesha Habar Jeclo, gaar ahaan Maxamed Abokar.

    Kursigan waxaa hadda ku fadhiga Xildhibaan Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir oo mar kale doonaya inuu kusoo laabto, waxayna xaaladdu qaraxday in Xildhibaankan uu isbaheysi la yahay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, iskana diiday inuu hoos tago Madaxda Siyaasadda iyo dhaqanka Beeshiisa, taasoo ka careysiisay Boqor Buurmadow iyo siyaasiyiinta kale.

    Xildhibaan Ismaaciil C/raxmaan dhinac wuxuu isbaheysi kala leeyahay Mahdi Guuleed, dhinaca kalena waa guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, sidaasoo ay tahayna codkiisu waa mid ay musharixiin badan xisaabsanayaan.

    Ra’iisal wasaare Rooble ayaa arrinta kasoo galay heshiis uu la galay ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu heshiis ku yihiin in loo sii daayo xubno uu doonayo inay xildhibaanno kusoo baxaan oo kasoo jeeda Beelaha Dirta Waqooyi, halka Mahdi Guuleed isna loo fulinayo rabitaankiisa sida hore uga dhacay kursigii uu isagu kusoo baxay.

    Kursiga HOP238 wuxuu u muuqdaa mid ay ku guuleysanayaan garabka Mahdi Guuleed oo gacan ka helaya Ra’iisal wasaare Rooble oo labaduba ay hadda ugu sareeyaan xukuumadda Xilgaarsiinta, balse dhaawaca uu dhaliyay ee siyaasadeed ayaa ah mid weyn oo saameyn ku yeelay ilaa shan Musharax oo ka mida kuwa ugu waaweyn ee u taagan xilka Madaxweynaha.

    Maxamed Farmaajo: wuxuu dhinac uga xiran yahay Mahdi Guuleed, waxaana dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyaa Rooble, waxayna taageerayaashiisu aad uga faa’iideysteen weerarka ay dhinaca Cabdi Xaashi iyo Boqor Buur Madow ku qaadeen Rooble, iyadoo aan dan ka lahayn kursiga la isku heyso.

    Maxamed Xuseen Rooble: Wuxuu si toos ah ugu dhex jiraa murankan, wuxuuna isbaheysi la leeyahay Mahdi Guuleed oo awoodiisa xafiiska kula wareegay maamulka kuraasta Gobollada Waqooyi. Rooble ayaa xubno uu wato oo kasoo jeeda Beelaha Isaaq soo marsiiya Mahdi Guuleed, isagoo aan qiimeyn xasaasiyada siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beelaha Dirta Waqooyi u dhaxeysa.

    Mahdi Guuleed: Waa jookarka siyaasadeed ee dhextaalka u ah murankan, wuxuuna xiriir la wada leeyahay Farmaajo, Rooble iyo musharixiinta kale, wuxuuna ka faa’iideysay awoodda xafiiskiisa iyo tan Rooble, isagoo saameynta ugu badan ku leh kuraasta Somaliland iyo dadka ku soo baxaya.

    Sheekh Shariif: Waa musharaxa aan isagoo wax howl ah marin, dagaalka socdana ku lug yeelan xisaabsanaya codka xildhibaan Ismaaciil C/raxmaan Sheekh, inkastoo wax kasta isbedeli karaan, haddana rajadaas waa mid u taagan.

    Xasan Kheyre: Xiriir toos ah lama laha murankan, waxaase si dadban loogu xiriiriyey, looguna maagay in Cabdi Xaashi iyo Boqor Buur Madow ay dhinac ahaan is xigaan, haddii kursiga u gacan geli lahaa Boqor Buur Madow-na uu xisaabsan lahaa Kheyre.

    Xasan Sheekh: Waa musharax waxba ka quseynin kiiska oo dhan, balse taageerayaashiisa ayaa kiiskan ka arkay fursad ay kula dagaalami karaan musharax ay hooska gadaashiisa ka arkeen ee Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo ay u arkaan inuu halis ku yahay musharaxooda.

    GOOBJOOGE.NET

    Dirta Waqooyi Doorashada Mahdi Guuleed Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMidowga Musharixiinta oo War kasoo saaray Go’aankii Xukuumadda ee ONLF iyo Xaaladda Hiiraan
    Next Article Maleeshiyo la wareegtay Xaafado ka mida magaalada Beledweyne iyo wararkii ugu danbeeyay..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo