Nin xag-jir ah oo u janjeera dhinaca midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa toogasho ku dilay 10 qof, kadib markii uu weerar ku qaaday laba Baar oo Shiishadda lagu cabo magaalada Hanau ee dalka Jarmalka.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Tobias Rathjen, ayaa markii uu weerarka geystay kadib baxsaday, waxayna Boolisku ka heleen gurigiisa laba meyd oo midkood uu isaga ahaa iyo hooyadii oo la xaqiijiyey inuu iyadiina dilay, isagoo aaminsanaa cunsurinimo fogaatay oo ah inuu dunida laga tirtiro dadka uu neceb yahay.
Waxaa la helay farriin uu reebay ninkan oo uu kaga hadlayo fikradaha uu aamisanaa ee Naasiyiinta cusub iyo inuu ka tirsanaa kooxda midigta-fog ee Jarmalka, isagoo galaaftay 10 qof oo u badan dadka Turkiga ah ee dalkaasi ku nool.
Baararka laga cabo shiishadda ee dalalka Reer Galbeedka ayaa waxaa inta badan leh oo maamula dad asal ahaan kasoo jeeda Bariga Dhexe iyo Koonfurta Asia. Dadka xalay lagu dilay weerarka Hanau ayaa waxaa ku jiray kuwa asal ahaan Turkish ah, waxaana ku dhintay 5 qof oo Turki ah.
Tobias Rathjen oo 43 sano jir ahaa, waxaa xogtiisa laga helay qoraal 24 bog ka kooban oo oo lagu daabacay Bog ay website-ka ku leeyihiin kooxaha xagjirka ah ee naasiyiinta, qoraalkaas oo markii danbe la masaxay, wuxuu ku caddeeyay, kuna dhaartay in dunida laga tirtiro dalal ay ka mid tahay Israel, inta badan dalalka Bariga Afrika, qaar ka mida dalalka Asiya, waqooyiga Afrika, Ameerikada koonfureed iyo bartamaha.



