Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho sugan labadii maalmood ee ugu danbeysay ayaa sii wada kulamo xiriir ah oo uu la yeelanayo mas’uuliyiin, Musharixiinta Madaxweynaha iyo Wakiilada Beesha Calamaka.
Axmed Madoobe oo degan Hotel ku dhex yaalla Xerada Xalane ayaa waxaa fadhigiisa ugu tegay xubno ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xildhibaan C/qaadir Cosobole iyo xubno kale.
Xubnaha Beesha Caalamka wuxuu kulamo la yeeshay Wakiilka Q/Midoobay James Swan, Wakiilka Midowga Yurub Nicholas Brelanga iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto; waxaan weli socda kulamada Axmed Madoobe ka wado magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa isna maanta kulan la yeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo dhammaan kulamadasi lagu sheegay in looga wada hadalnay sida looga talaabi karo caqabadaha ku horgudban heshiis buuxa oo doorashooyinka laga gaaro.
Xogta laga helay kulamadan ayaa sheegeysa inuusan jirin heshiis laga gaaray khilaafka Doorashada, isla markaana Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo Muqdisho soo gaari doona ay diyaar u yihiin inay dagaal siyaasadeed la glaan Farmaajo ilaa uu ka aqbalayo shuruudaha ay wataan, halka Farmaajo uu mowqfikiis sii adkeeyay.
Farmaajo ayaa doonaya in shirka Afisyoone ee Beesha Calaamka qabanqaabineyso uu ku koobnaado saxiixa heshiiskii guddiyada Farsamada ee magaalada Baydhaba lagu gaaray, halka Axmed Madoobe iyo Deni doonayaan fulinta saddex shardi iyo xalinta qodobadda heshiiska.







