Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Loolanka loogu jiro Kursiga HOP064 oo galey weji cusub & Musharax looga yeeray Maxkamad

    XOG: Loolanka loogu jiro Kursiga HOP064 oo galey weji cusub & Musharax looga yeeray Maxkamad

    January 22, 2022Updated:January 23, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dagaal siyaasadeed, mid beeleed iyo Dacwad ayaa hareeyay kursiga HOP#064 oo ah kursi ku asteysnaa qoonde haween, waxayna xaaladiisu gaartay inay soo dhex gasho Dacwad oo mid ka mida Musharaxiinta looga yeero Maxkamad.

    Kursigan HOP#064 oo ay leedahay Beesha Absuge/Waceysle waxaa hore ugu fadhiday Sahra Cumar Maalin, waxaana sanadkan ololaha loogu jiro uu ku bilowday in laga saaro qoondada haweenka.

    Qeyb ahaan ayaa lagu guuleystay arrintaas iyadoo lala kaashaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana dhacday in Guddiga Doorashada Galmudug uu ka saaray qoondadii haween, sida ku cad qoraalkii Guddiga Doorashada Galmudug soo saaray 12-ka Janaayoi 2022.

    Soo hormarinta Doorashada kursiga HOP#064 iyo ka saarista qoondada haweenka wuxuu bilow u ahayd dagaal iyo loolan kale oo kursigan dib ugu laabtay, kadib doorashadii 2016 oo laga dhigay kursigii ugu danbeeyay si uu qoonde haween u noqdo (Halkan ka Akhriso). Waxaana markaas gacan weyn ku lahayd madaxtooyada Soomaaliya.

    Arrintu waxay cirka isku shareertay markii Maxkamadda Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ay maanta soo saartay Warqad loogu yeeray ganacsade Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) inuu ku hor yimaado Maxkamadda 23-ka Janaayo 2022, waxaana lagu wargeliyey inay dacwad ka taallo.

    Ganacsade Maxamed Cajiib oo xiriir la leh madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu musharax u yahay kursigan HOP064, waana markii labaad ee uu doonayo inuu kursigan ku guuleysto, kadib guuldarradii kasoo wajahday Doorashadii 2016.

    Qoraal kale ayaa lagu baahiyey Baraha bulshada, kaasoo uu soo saaray xeer ilaaliyaha Galmudug, waxaan loogu soo jeediyey Maxkamadda Galgaduud inay baabi’iso dacwadda loo heysto Ganacsade Maxamed Cajiib, wuxuuna arrintaas sabab uga dhigay in la-dacweeyaha degan yahay meel ka baxsan awooda Maxkamadda.

    Waxaa kaloo kursigan tartankiisa kusoo biiray jufooyin kale oo ka mida Beesha Waceysle (Maxamed Cadde iyo Eybakar Gaab), iyadoo ay tani ka mid tahay xaaladda ay gashay doorashada dadban ee 2022.

    Ka sokow sax ahaanshaha dacwadda iyo khilaafka Hay’adaha Garsoorka Galmudug, wuxuu kursigan mar kale dhexda u galay loolan marka qofna doonayo uu gacan uga helayo cidda ka talisa Madaxtooyada Soomaaliya iyo markan oo awoodii ay la wareegeen madaxda maamul Goboleedyada.

    Doorashada Galmudug Kursi Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho
    Next Article Alshabaab oo War kasoo saartay Dilka Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo mar ka tirsanaa Xisbul Islaam

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo