Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Maamul Goboleedyada oo 3 Qeybood ugu kala jabay Doorashada (Yaa ku soo haray Farmaajo..?)

    XOG: Maamul Goboleedyada oo 3 Qeybood ugu kala jabay Doorashada (Yaa ku soo haray Farmaajo..?)

    December 11, 2020Updated:December 21, 20204 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo la isku mari la’ yahay fulinta Heshiiskii Doorashada Dadban ee ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka Septembar 2020, ayaa waxaa si cad u muuqanaya Isbaheysiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira xilligan.

    Dowladda Federaalka ayaa taageero ka heysatay 3 maamul Goboleed oo hore ula safnaa (Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed) waxaana ka horjeeday laba kale (Jubbaland iyo Puntland), laakiin wixii ka dambeeyay Bishii Septembar waxaa abuurmay xaalado mugdi geliyay saameyntii dowladda Federaalka ku lahayd saddexda maamul ee taageersanaa.

    PUNTLAND IYO JUBBALAND

    Labadan maamul oo Isbaheysi soo jireen ah leh, waxay weli ka horjeedaan qorshaha Villa Somaliya ku dooneyso inay ku maamusho Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, waxayna taageerayaan musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hadda ah Garab siyaasadeed ku hor gudban Doorasho ay iska maamulato Villa Somalia.

    Labadan maamul waxay culeyska ku kordhiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa oo weli ku adkeysanaya inay Doorashada qabtaan Guddiyada ay magacaabeen ee muranka ka taagan yahay, waxayna halis ku hayaan inay fashiliyaan qorshahaasi, sidii ay hore meesha uga saareen Doorashadii Qof iyo Codka ahayd.

    KOONFUR GALBEED

    Waa maamulka kaliya ee sida buuxda u taageersan Qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo maamulkaasi aanu heysan wax culeys ah. Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen wuxuu caddeeyay in lagu soconayo heshiiska Doorashada, dowladuna xaq u leedahay inay magacawdo Guddiyada Doorashada.

    Lafta-gareen wuxuu meesha ka saaray in caqabad laga dhigo Arrinta Gobolka Gedo ee Axmed Madoobe wato iyo Doorka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ee Guddiga Doorashada Somaliland, wuxuuna xilligan yahay madaxweynaha iyo maamul Goboleedka kaliya ee sida cad u barbar taagan Villa Somalia, diyaarna u ah inuu fuliyo Qorshaha Doorashada ee ay wadato (Akhriso Warkan).

    GALMUDUG IYO HIRSHABEELLE

    Labadan maamul waxay ku wada jiraan ha khaanad, marka ay timaado Doorashada 2020/2021, waxayna go’aan aan kala caddeyn ka qabaan arrimaha la isku hayo ee Doorashada, iyagoo ka siman inaysan si buuxda u taageeri karin Madaxweyne Farmaajo iyo Qorshihiisa dib u doorashada.

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) inkastoo uu si hoose uga shaqeynayo dib u doorashada Farmaajo, saaxiib dhowna la yahay agaasimaha NISA, haddana wuxuu isu muujinayaa nin doonaya inuu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka.

    Qoorqoor waxaa ka horjeeda inta badan siyaasiyiinta Beesha uu metelo, wuxuuna wajihi karaa xaalad halis ah oo xilkiisa soo wajahda ama qalalaase ka dhaca Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo haddii uu si cad ula safto Madaxweyne Farmaajo, taasoo ku kaliftay inuu isu muujiyo dhexdhexaad inta lag adkaanayo Mucaaradka oo uu rajeynayo ama xal imaanayo uu isagu qeyb ka yahay.

    Hirshabeelle waxay Galmudug kala mid tahay in siyaasiyiinta waaweyn ee Beelaha kasoo jeeda Sh/Dhexe iyo Hiiraan ay si weyn u diidan yihiin Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Doorashada 2020/2021; waxaana arrinta sii xumeeyay xaaladda gadoodka ah ee ka taagan Gobolka Hiiraan.

    Madaxweynaha aan weli la caleemo saarin ee Villa Somaliya geysay Hirshabeelle Cali Guudlaawe ma awoodo xilligan oo xaalad adag ay ka heysato Gobolka Hiiraan inuu la safto Madaxweyne Farmaajo, waxaana la ogyahay inuu madaxda mucaaradka u muujiyay dhexdhexaadnimo; waxaana cad in Hirshabeelle noqon doonto halka ugu danbeeya ee doorasho ay wadato Villa Somaliya ka dhici karto.

    Qoorqoor iyo Guudlaawe waxaa mowqfiyadooda cabsida leh iyo hubanti la’aanta heysata laga fahmi karaa khudbadihii aan jihada lahayn ee ay ka jeediyeen Shirkii ‘Somali Partnership Forum’ ee Muqdisho.

    Marka la isku soo duubo Shanta maamul Goboleed ee dalka Wuxuu Madaxweyne Farmaajo xiligan isku hubaa inay Doorashadiisa ka dhici karto waa K/Galbeed, halka Puntland iyo Jubbaland si buuxda uga horjeedaan. Dhinaca kalena Galmudug iyo Hirshabelle ayaan mowqif lahayn oo is-difaac iyo ishaa-falateysi ku jiraan.

    Xaaladan adag waxay keenay inuu Madaxweyne Farmaajo ku qasbanaado inuu waanwaan cusub magaalada Garowe ugu diro Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo heshiis ka keeni waayey musharixiinta ay isku heybta yihiin ee xaruntoodu tahay Hotel Jazeera, magaalada Muqdisho.

    GOOBJOOGE

    Doorashada Doorashada 2020/2021 Farmaajo Maamul Goboleedyada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo Dil Toogasho ah ku fulisay Oday 70 sano jir ah oo la sheegay inuu Sixiroole ahaa
    Next Article Xasan Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka & Arrimihii ay ka wadahadleen

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo