Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maamul Goboleedyada Soomaaliya ay dalbadeen in shirka Berri ka furmaya magaalada Muqdisho ee heer federaal laga saaro Gobolka Banaadir.
Shir hordhac ah oo ay caawa xafiiska Ra’iisal wasaaraha Muqdisho ku yeesheen Guddiga qabanqaabada xukuumadda Soomaaliya iyo xogheynta Golaha la baxay Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa lagu kala tegay kadib markii arrintan lagu heshiin waayay.
Xoghayaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedka Cabdi Cali Raage oo la-taliye u ah Axmed Madoobe ayaa ku adkestay in Maamulka Gobolka Banaadir shirka laga saaro, isla markaana aanay maamul Goboleedyada ogoleyn inuu ka mid noqdo shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, sida ay soo fareen madaxda Golaha.
Sida ay sheegayaan xogta shirka laga helay waxaa arrintan ku gacan seyray Guddiga xukuumadda u saartay qabanqaabada shirka oo liiska madaxda lagu casuumayshirka ku daray guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Gobolka Banaadir ayaa hore uga qeyb galay shirarkii arrimaha amniga ee maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka, laakiin shirkan ayaa loo arkaa mid maamul goboleedyada ay doonayaan inuu Golaha ay dhisteen kula xisaabtano dowladda Federaalka arrimaha dhaqaalaha.