Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka oo hadda shir kula leh Magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegay inay go’aan ay u mideysan yihiin oo ku saabsan Doorashada Dalka hordhigeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, K/Galbeed C/casiis Xasan Lafta-gareen iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay xilli dambe go’aansaday inay Madaxweyne Farmaajo u gudbiyaan Go’aankooda kama danbeysta ah oo ka kooban laba qodob.
Qoddobadda ay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada hor dhigayaan Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ugu muhiimsan: Inaysan Doorasho Qof iyo cod ah ka dhici karin dalka, wax diyaargarow ahna aan loo sameynin, iyagoo isla qaatay in qaab doorasho oo ka duwan Doorashadii 2016 la qabto.
Qodobka labaad ee Madaxda Maamul Goboleedyada isla qaateen ayaa ah in Guddi ka kala socda Xukuumada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada loo saaro inay kasoo shaqeeyaan Nooca Doorasho ee ku dhici karta mudadda u harsan dowladda Federaalka ee hadda jirta.
Waxaa go’aanka madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada la isla gartay inay hordhigaan Madaxweyne Farmaajo saddexa madaxweyne ee kala ah Axmed Qoorqoor, Siciid Deni iyo C/casiis Lafta-gareen.

Shirka waxaa madaxweynaha ku wehliya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana uu soo dhammaaday goor dhow, iyadoo aan wax go’aana lagu gaarin.