Waxaa socda qabanqaabada shir ay yeelanayaan madaxweynayaaha maamul Goboleedyada Soomaaliyeed ee la saftay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.
Shirkan oo dadaalkiisa uu wado madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu wadaa inuu dhaco aakhirka toddobaadkan, iyadoo lagu qado in lagu qabto magaalooyinka Garowe ama Cadaado.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu soo farageliyay arrintan isagoo gogosha madaxda maamulada dhigay magaalada Kismaayo si xal loogu helo arrintan ka dhex taagan maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Xiriir ay yeesheen madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayay isla garteen in shirkan lagu cambaareeyo dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo faragelinta ay ku heysto maamul Goboleedyada.
Madaxweyne Xaaf ayaa wajahaya olole ka dhan ah xilkiisa, iyadoo xildhibaano badan ku kacsan yihiin, isla markaana uu khilaaf ka dhex oogan yahay ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkiisa oo ka hor yimid, iyagoo taageero ka heysta madaxda Federaalka.
Xiriirka maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaa maraya heerkii ugu xumaa tan iyo intii uu xukunka Villa Somalia yimid Madaxweyne Farmaajo, iyadoo kulan ay xalay arrintan ka yeesheen golaha wasiirada xukuumadda wax go’aan ah lagu gaari waayay.
Axmed Madoobe ayaa loo arkaa mas’uul iska dhowray inuu khilaafkan ku dhex dhaco, isagoo hadda noqday madaxweynaha maamul Goboleedka kaliya ee arrintan xalka u raadinaya
Wadani