Kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa inuu goor dhow furmo, iyadoo ajendayaasha maanta ay looga doodayo ay yihiin kuwo xasaasi ah.
Waxaa maanta cod loo qaadayaa xeer metelaadda Gobolka Banaadir ee ka mida dhameystirka sharciga doorashooyinka, iyadoo kadibna ay warbixinta la sugayo Baarlamaanka ka jeedin doono Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Ismaciil Ibraahim.
Ajendaha hore ayaa laga cabsi qabaa inuu qalalaase ka dhaliyo Baarlamaanka, iyadoo metalaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare qaabka loo wado ay diidan yihiin xildhibaano ka badan afartameeyo oo kasoo kala jeeda beelaha Harti, Absame iyo koox yar oo ka mida Digil iyo Mirifle.
Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo K/Galbeed Siciid C/llaahi Deni, Axmed Maxamed Islaam iyo C/casiis Lafta-gareen ayaa ka horjeeda metalaad G/Banaadir ka helo Aqalka Sare iyadoo aan laga heshiin sida loo qeybsanayo xubnahaasi, waxayna saameyn ku yeesheen xildhibaannada kasoo jeeda degaanadooda ee ku sugan Muqdisho.
Inta badan xildhibaannada Beesha Daarood ayaa ka hor yimid Metalaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare iyadoo ku doodaya inay tahay sharci darro ka horjeeda Baarlamaanka, waxaana la sheegay inay taageero ka heystaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Dhinaca kale inta badan xildhibaannada Digil iyo Mirifle ayaa taageeray mooshinka iyo metalaadda G/Banaadir, kadib wadahadal dhex maray xildhibaanada wada mooshinka ee u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye iyo Beesha Shanaad.

Ilaa 7 xildhibaan oo kasoo jeeda Beelaha Digil & Mirifle ayaa la sheegay inay weli mucaaradsan yihiin metalaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare, iyagoo arrintaas ku taageeraya Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.