Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inay si xun ku kala tageen agaasimihii Madaxtooyadiisa Dr. Nuur Diiriye Fuursade oo ay saaxiibo iyo qaraabo ahaayeen.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Agaasime Fuursade uu dadaal ugu jiray in loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, laakiin maalmo uu rajo ku nool ahaa kadib uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuusan u qalmin xilkaasi, taasoo si weyn uga careysiisay agaasimaha, isla markaana keenay inuu isaga tago Madaxtooyada, dalkana ka dhoofo.
Waa agaasmihii shanaad ee laga diro Madaxtooyada inta uu xilka hayey Madaxweyne Farmaajo, laakiin shaqo ka tegista Dr. Nuur Fuursade ayaa si aan la fileyn ku baxay markii ay isku dhaceen Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa hore xilka Ra’iisal wasaaraha loogu saadaalinayey musharixiin uu ka mid yahay Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Fuursade, taasoo hadda meesha ka baxday.