Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dib ugu laabanayo magaaladaasi.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaalka loogu jiro in xal loo helo cabashada beesha Cadaado ay ku diidan tahay heshiiska Galmudug, taasoo keentay inay qaadacaan ka qeybgalka munaasbadii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa magaalada Cadaado weli ku sugan xubnaha labada gole ee kasoo jeeda degaankaasi oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Bukhaari xildhibaan Abtidoon iyo Wasiir Qoorqoor oo beeshooda ay ku xayirtay halkaasi, iyagoo qeyb ka ah waanwaanta socota.
Wararka ayaa sheegaya in Axadda uu Madaxweyne Maxamed Claahi Farmaajo dib ugu laabanayo magaalada Cadaado si loo xaliyo xaaladda ka taagan magaaladaasi iyo gadoodka Beesha Cadaado.
Madaxweynaha ayaa xaalada uga sii daray markii uu Cadaado ka tegay isagoo aan ku wargelin odayaasha iyo waxgaradka oo shir u socday, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee reer Cadaado doonayaan ka mida sixitaanka awood qeybsiga maamulka Galmudug, deymo dowladii Xasan Sheekh balanqaaday inay bixiso iyo arrinta magaalada Cadaado.