Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu saddex qodob oo ku saabsan Doorashada 2021 hordhigay madaxda saddex maamul Goboleed ee taageersan.
Xogta laga hela Villa Somalia ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Farmaajo ku tirtirsiiyey madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), K/Galbeed C/casiis Xasann Maxamed (Lafta-gareen) iyo Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan Doorashada Aqalka Sare ama ay xal ka keenaan dhinacyada tabashada ka qaba.
Xalka Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyey saddexda Madaxweyne ee maamul goboleedyada taageersan ayaa kala ah:
1- Inuu diyaar u yahay xalka qodobadda hortaagan doorashadam sida: isbedel lagu sameeyo xubnaha Guddiyada Doorashada, balse ay soo gudbiyaan liiskooda; In arrinta Gedo xal dhexe laga gaaro, iyadoo aan laga noqon heshiiska Doorashada ee ah in laba magaalo lagu qabto maamul Goboleed kasta iyo Arrinta Somaliland dhexdooda xal ka keenaan.
2- In madaxweynayaasha Puntland, Galmudug laga keeno heshiis cusub oo muddo kooban dib loogu dhigo Doorashada inta xal laga gaarayo.
3- Inay Doorashada senatoorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka bilaabato maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo G/Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u qabtay Qoorqoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe inay ilaa 18-ka bishan Janaayo ula yimaadaan heshiis ama ay bilaabaan Doorashada Aqalka Sare, isagoo ku dooday in ujeedka mucaaradka ay tahay inay waqtiga ka dhammeeyaan oo la gaaro 8-da Febraayo, taasina aanu aqbali doonin.
Qaar ka mida wakiilada beesha caalamka ido siyaasyiinta ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay inuu shaqadii laga sugayey isaga inuu u xil saaray madaxda saddexda maamul Goboleed ee taageersan.
