Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo uu la yeelanayo odayaasha Beelaha Soomaaliyeed.
Kulamadan ayaa ah kuwo uu dalbaday madaxweynaha oo ujeedkoodu yahay in laga tashado dhismaha Golaha wasiirada cusub ee la magacaabi doono iyo taageero uu dowladiisa u raadinayo.
Qaar ka mida odayaasha la kulmay madaxweyne Farmaajo ayaa Wadani.com u sheegay in kulanka intiisa badan ahaa mid madaxweynuhu odayaasha uga dalbaday inay taageeraan dowladiisa, isla markaana ay kala taliyaan awood qeybsiga beelaha.
Arrimaha kale ee uu soo qaaday waxaa ka mida ahaa awood qeybsiga beelaha dhexdooda, iyo sida ay u kala mudan yihiin.
Waxaa madaxweyne Farmaajo lagula taliyay inuusan wax ka bedelin qaabka awood qeybsiga beelaha, taasoo haddii uu ku dhaqaaqo caqabad ku keeni karta beel waliba dhexdeeda.
Wadani.com