Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu dib u dhigay caleemo-saarkii madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo lagu waday inuu Isniinta ka dhaco magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu codsaday xaflada caleemo saarka oo qorsheysneyd 16-ka bishan dib loogu dhigo dhowr maalmood arrimo u gaara dartood si ay ugu suuragasho inuu ka qeyb galo, codsigaas oo madaxda Hirshabeelle ay aqbaleen.
Xafladda caleemo saarka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo muddo laba jeer ah hore dib ugu dhacday, ayaa la filayaa inay dhacdo 23-ka bishan oo ah toddobaad kadib xilligii loo qorsheeyay.
Maxamed Cabdi Waare oo xilka loo doortay 16-kii September ayaan weli la caleemo saarin, isagoo magaalada Jowhar ku sugnaa 5 maalmood oo qura, wuxuuna dhowaan ka mid noqday gole ay magaalada Kismaayo ku sameysteen madaxda maamul Goboleedyada.