Shirar si gaar gaar ah uga dhacay magaalada Garowe, intii lagu jiray iyo markii lasoo gabagabeeyay Madashii aragti-wadaagga machadka Heritage ayaa keenay fursad cusub oo xal looga gaari karo caqabadaha hortaagan Doorashada .
Kulankii ugu danbeeyay ee Garowe ku dhex maray saddexda Madaxweyne maamul Goboleed ee Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo ay wehliyeen Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa looga hadlay arrintan, iyadoo kulanka ay kadib shirka ku biireen musharixiinta madaxweynaha ee shirka ka qeybgalay.
Ilo ku dhow kulamadii Garowe ayaa sheegay in arrimaha ugu muhiimsan ee laga dooday ay ahaayeen sidii xal loogu heli karo khilaafka ka taagan Doorashada oo hadda gashay sanadka 2021 iyo sida madaxweyne Farmaajo loogu qancin lahaa inuuu aqbalo qabashada shir kale oo xal loogu raadiyo arrimaha hortaagan Doorashada.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa loo xil saaray inay kala shaqeeyaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug sidii loo qabanqaabin lava shirka xalinta caqabadaha hortaagan Doorashada. Doorka ugu weyn arrintan waxaa qaadan doona Madaxweynaha Galmudug oo dhinaca kale ay Madaxtooyada ka sugeyso inuu soo gudbiyo liiska mushariixinta Aqalka Sare.
Madaxweyne Farmaajo ayaa olole weyn ugu jira in la qabto Doorashada Aqalka Sare ee ugu yaraan saddex maamul Goboleed (K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle) iyo Senatoorada Somaliland, wuxuuna ku adkeysanayaa in marka hore ay bilaabato doorashada Aqalka Sare.
Isu soo dhowaanshaha iyo rajada laga muujiyey is-aragyadii magaalada Garowre ayaa ku xiran ogolaanshaha Madaxweynaha Farmaajo oo kulamo la bilaabay madaxda Maamul Goboleedyada taageera.

