Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib doorashadii uu kaalinta saddexaad ka galay ee Febraayo 2017.
Sheekh Shariif ayaa la sheegay in xil looga magacaabayo dowladda madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo hoggaamiyo sida ay sheegeyso xogta ay heshay Wadani.com.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in loo magacaabo Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Dib u heshiisiinta, waxaana madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu dardar geliyo howlaha guddigan oo muddo dheer howlgab ahaa.
Shariifka ayaa la sheegay inuu aqbalay qabashada xilkan oo u baahan magacaabid iyo ansixinta Baarlamaanka, lagana yaabo inuu muddo qaato.
Xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta waxaa muddo dheer soo hayay Ismaaciil Macallin Muuse oo tan iyo dowladii C/llaahi Yuusuf madax ka ahaa, waxaana guddigan uu noqday mid howlgab markii ay iska fogeeyeen dowladihii hore, dhexdiisana uu kala tegay.
Wadani.com