Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»XOG: Maxa ka dhacay Madaxtooyada..? (Gaari Awood lagula wareegay & Xoghaye xilkii laga qaaday)

    XOG: Maxa ka dhacay Madaxtooyada..? (Gaari Awood lagula wareegay & Xoghaye xilkii laga qaaday)

    August 1, 2020Updated:August 2, 20202 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhacdo lama filaan ah ayaa Galabta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii ciidamada Madaxtooyada ay si awood sheegasho ah kula wareegeen Gaari uu lahaa la-taliyaha Ra’iisal wasaarihii hore Yaxye Cali Hareeri.

    Gaariga oo ahaa nooca Toyota Hilux ee aanay rasaastu karin ayaa xarunta madaxtooyada geeyay xoghayihii hore ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Axmed Nuur Maxamed Cabdi oo 25-kii July 2020 xilkii laga qaaday, waxaana intii aanu ka bixin Madaxtooyada ay ciidamada Madaxtooyada si awood ah uga qaateen darawalkii Gaariga waday iyagoo si xun ula dhaqmay.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Gaariga marka ay ciidamada Madaxtooyada ku qamaameen aysan la socon Yaxye Cali iyo xoghaye Axmed Nuur midna, waxaana lagu khalday Gaari noocan oo kale ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneysay inay kasoo celiso Xoghayihii xilka laga qaaday ee Axmed Nuur Maxamed.

    Falkan oo fadeexad ku noqday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa keenay in dib loo soo celiyo Gaarigii Yaxye Cali Hareeri, isla markaana xilka laga qaado xoghayaha sida KMG ah dhowaan loo magacaabay ee ka yimid Xafiiska Madaxweynaha C/risaaq Caato, sida uu ku dhawaaqay Sii-hayaha Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

    Falka maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa u muuqda in dusha loo saaray xoghayihii shanta maalmood magacawnaa, xafiiskana fadhiyey 3 maalmood oo kaliya ee C/risaaq Xuseen Aadan.

    This image has an empty alt attribute; its file name is 116341476_2753443818220068_6564364670227560595_o.jpg

    Wiilkan ayaa magacaabidiisa timid intii aanu is casilin Ra’iisal wasaare Kheyre xilli ay Madaxtoyada Soomaaliya cabsi ka qabtay inuu Xasan Cali Kheyre diido kalsoonida uu kala noqday Baarlamaanka; wuxuuna isla markii xilka lagu wareejiyay 28-ka July bilaabay inuu u dhaqmo sida hanti dhowr doonaya inuu la wareego hantida Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ay ku jirto Gaari uu watay ninkii xilka uga horeeyay.

    Sharci ahaanta xilka uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed, oo isna maraya magacaabidda xoghayihii labaad ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha waxay la yaab ku noqotay sharci yaqaanadda iyo siyaasiyiinta.

    Jaha-wareerka ka taagan Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa salka ku haya qorshe ay madaxtooyada Soomaaliya ku dooneyso inay ku maamusho xafiiskaasi oo aan loo ogolaan inuu ku-sime shaqada u sii wadaan Ra’iisal wasaarihii hore iyo Xogheyntiisii.

    Madaxtooyada Top Xafiiska Ra'iisal wasaaraha Yaxye Cali Ibraahim
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMahdi Guuleed oo xilkii ka qaaday Xoghaye uu 5 Berri ka hor xil u magacaabay (Akhriso)
    Next Article Madasha Xisbiyada oo Digniin ku saabsan Golaha Adeegga Garsoorka u dirtay Madaxweyne Farmaajo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo