Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay xilli danbe faragelin ku sameysay xafladda furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka oo loo qoondeeyay inay ka dhacdo xarunta Dugsiga Sare ee Booliska.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa guddoonka Baarlamaanka ka dalbadtay in xafladda loo soo wareejiyo xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa. Xogta aanu helnay ayaa sheegaysa in Madaxtooyada ay arrintan sabab uga dhigay arrimo u badan dhinaca amniga, iyadoo xafladda loo wareejiyey xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex taalla.
Dugsiga Sare ee Booliska Jen. Kaahiye ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay diyaarin lagu waday, iyadoo kharash badan lagu bixiyey dayactirka Hoolka xaruntaasi, laakiin waxaa ka daba yimid go’aanka Madaxtooyada ee ah inuusan Madaxweyne Farmaajo tegi karin halkaasi.

Xafladda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa goor dhow lagu wadaa inuu ka furmo Villa Hargeysa, waxaana khudbad dastuuri ah ka jeedin doona Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay sidoo kale ka hadli doonaan Guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka.