Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dib u dhac weyn uu soo wajahay ololihii uu waday madaxweynaha xilka laga qaaday maamulka Hirshabeelle.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii xildhibaanadii taageersanaa Cali C/llaahi Cosoble ay ku biireen dhinaca kasoo horjeeday ee xilka ka xayuubiyay, markii ay ku biireen shirkii maanta lagu magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.
Ku-simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne Xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa laga soo xigtay in Cali Cosoble uu yahay shaqsi ka mida shacabka Hirshabeelle, isla markaana aanu jirin wax intaas ka badan oo uu Jowhar ka qaban karo.
Warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in magaalada Jowhar laga saaro madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble ayaa la xaqiijiyay inuusan jirin. Mas’uuliyiin iyo xubno ka mida xildhibaanada Hirshabeelle ayaa ku taliyay in madaxweynaha hore aan wax tallaabo ah oo dhaafsiisan xil ka qaadistiisa laga qaadan.
Cali Cosoble ayaa shalay sheegay shalay inuusan cidna marti uga ahayn magaalada Jowhar, isagoo weli ku adkeysanaya in xil ka qaadistiisa ay sharci darro tahay.
Xaaladda magaalada Jowhar ayaa u xuub siibatay doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi oo musharixiintii ugu horeeyay ay hadda soo shaac baxayaan.