Waxaa xalay iyo saaka si weyn loo baahiyey war ku saabsan in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre laga celiyey Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Warkan ayaa laga soo xigtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo magaalada Dhuusmareeb muxaarado siyaasadeed ka jeediyey xalay, isagoo sheegay inuu arrintan soo gaarsiiyey wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo Muqdisho ka dhoofay shalay, balse ma jirin xaqiijisay arrintan.
”Waxaa uu ii sheegay nin wasiirada Galmudug ka mid ah oo maanta ka yimid Muqdisho in Airoport-kii lagu celiyey Ra’iisul wasaarihii ninka ahaan jiray in isbaaro loo dhigtay Xasan Cali Khayre.” ayaa ka mid ahaa khudbadii uu Dhuusamareeb ka jeediyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta kala duwan ay sii faafiyeen.
Kadib baaris aan ku sameynay dhacdadan ayaa Wadani.net ku ogaatay in Baabuurta gaarka ah ee Ra’iisal wasaarihii hore ay shalay tageen Garoonka Muqdisho, si ay halkaasi uga soo qaadaan marti dibadda ka timid oo u socotay Ra’iisal wasaarihii hore iyo qof ay sideen oo dhoofi rabay, waxaana dhacday ciidamada AMISOM amar ku bixiyeen in la baaro Baabuurta Xasan Kheyre, taasoo ay diideen ilaaladii la socotay iyo ciidamadii, waxaana lagu sigtay isku dhac dhex maray ilaalada Ra’iisal wasaarihii hore iyo ciidamada Garoonka, laakiin markii danbe ayaa la xaliyey oo xaaladii lagu qaboojiyey.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre ayaa la xaqiijiyey inuusan la socon baabuurtiisa tagtay Garoonka Aaden Cadde, oo xilligaasi uu ku sugnaa hoyga cusub ee uu ka degay agagaarka Garoonka Muqdisho.