Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa xarunta Gobolka Banaadir ee Qaraxu ka dhacay Arbacadii 24-ka July 2019, iyadoo la ogaaday in Kaamerooyinka CCTV qaarkood aanay shaqeyneynin xilliga uu weerarku dhacay.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inay howlgal ahayd oo aysan shaqeyneynin Kaamerada ku xirneyd Hoolka shirarka xarunta Gobolka Banaadir ee qaraxu ka dhacay oo muddo dhowr maalmood ah qaraxa ka hor la damiyey, iyadoo la tuhunsan yahay in si ulakac ah loo damiyey, ayna qeyb ka ahayd qorshaha abaabulka qaraxa xarunta ka dhacay.
Guddoomiyihii hore ee G/banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa farriin uu soo diray ku caddeeyay in markii uu xilka wareejiyay ay guud ahaan howlgal ahaayeen oo ay shaqeynayeen dhammaantood, isla markaana loo baahan yahay tallaabo cad iyo caddeyn ku saabsan sida wax uga dhaceen xarunta maamulka Gobolka banaadir.
Kaamerada Hoolka shirka oo aan shaqeyneynin xilliga qaraxa ayaa sii adkeysay baaritaanka lagu hayo waxa sababay qaraxa iyo cidda ka danbeysay, iyadoo ilaa hadda hayadaha amniga ay tuhunsan yihiin xiririyihii arrimaha naafada Gobolka haweeneyda Basiira Cabdi oo indhoole ahayd, taasoo jirkeeda qeybo yar laga helay.
Waa sii kordhaya tuhun ku saabsan in qaraxa ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir uu ahaa mid la qorsheeyay oo dadka qaarkood ay xaaladda gaarsiiyeen inaysan qaraxa geysan Alshabaab, waxaana sii kordhaya cadaadiska lagu hayo hay’adaha amniga si ay u caddeeyaan cidda ka dambeysay qaraxaasi.