Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Hirshabelle»XOG: Maxaa ka socda Hirshabeelle..? (Qorshaha Farmaajo, Maqnaanshaha Waare iyo aamusmaanta Mucaaradka)

    XOG: Maxaa ka socda Hirshabeelle..? (Qorshaha Farmaajo, Maqnaanshaha Waare iyo aamusmaanta Mucaaradka)

    October 28, 2020Updated:October 31, 20203 Mins Read Hirshabelle
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxaa ka socda Hirshabeelle..? waa su’aal dad badan is weydiinayaan xilli lagu dhawaaqay liiska xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi oo lagu wado inuu dhowaan doorto Madaxda cusub ee Hirshabeele.

    Howshu waxay ku socotaa si xowli ah, iyadoo aanay ka dhex muuqan dowladii Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana shaacinta liiska xildhibaannada lagala hor maray inta uusan maanta xilka la wareegin Wasiirka cusub arrimaha gudaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

    Xulista Baarlamaanka ee Hirshabeelle looma hakin qoraalkii kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdi Waare ee Guddiga howsha wada ee uu isagu magacaabay uga hor yimid, waxaana gabaabsi noqotay qeyladii Beesha ugu weyn Gobolka ee ku dheganeyd xilka Madaxweynaha.

    Waxaa gebi ahaan waxa ka socda Hirshabeelle ka aamusay madaxdii mucaaradka ee kasoo jeeday oo uu gu horeeyo madaxweynihi hore Shariif Sheekh Axmed, iyagoo aan wax door ah ku lahayn dhismaha maamulka labaad ee ka socda Jowhar.

    Waxaan Qormadan ku furfureynaa su’aalahaas iyo qorshaha Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin u dejiyeen dhismaha maamulka sida sahalka ah ugu gacan galay ee Hirshabeelle.

    Maxaa ka socda Hirshabeelle..?

    Baarlamaanka labaad ee Hirsahbeelle ayaa la dhisay, iyadoo howshu ku socoto sidii ay Madaxtooyada Soomaaliya u dejisay, waxaa amniga sugaya ciidamada gaarka ah ee Booliska dowladda Soomaaliya ‘Haramcad’.

    Qorshaha Madaxtooyada intiisa badan suuragalay, waxaana xildhibaannada la soo xulay ka dhex muuqda taageerayaasha dowladda Soomaaliya iyo xubno ay wadatay, iyadoo ay u harsan tahay in xilka Madaxweynaha la doorto musahraxa ay wadato ee Cali C/llaahi Guuudlaawe.

    Madaxweyne Cabdi Waare

    Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdi Waare ayaa gebi ahaan u muuqda in la inqilaabay, isagoo bannaanka ka jooga doorashada maamulkii bedeli lahaa oo ay ka shqqeynayaan guddi uu magacaabay, kadibna uu shaqada ka joojiyey laakiin amarkiisa dambe socon waayey.

    Madaxweyne Waare oo saaxiibo dhow la noqday Madaxweyne Farmaajo xilliyadii ugu danbeeyay waxaa la sheegay in la siiyey balanqaadyo dhowr ah, kuwaasoo keenay inuu sidan u dhaqmo, taariikhadana ku galo madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulkiisa isagoo bannaanka ka taagan Doorashadiisa saluugsan la dhiso, loona maamulo.

    Madaxda Mucaaradka

    Madaxda Mucaaradka ee kasoo jeeda Hirshabelle sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/qaadir Cosoble iyo Xasan Sheekh oo dhinac ka saameyneyso waxaa lagu qataaray Cali Guudlaawe oo madaxtooyada Soomaaliya ay Madaxweyne u wadato, taasoo qasab ku noqotay inay ka aamusan waxa socda intii ay muuqan lahaayeen inay ka horjeedaan Cali Guudlaawe oo ay isku heyb yihiin oo xil sare u muuqdo.

    Xasan Sheekh wuxuu beeshiisa ugu eedeysan yahay xilligii uu madaxweynaha ahaa inuu jagadiisa dhaafsaday xuquuq ay ku weyday maamulka Galmudug, wixii ka dhacay Hirshabeelle iyo maqaamkii Muqdisho oo uu waxba ka qaban waayey, kumana dhaco inuu xilligan Hirshabeelle farageliyo ama saameyn ku yeesho.

    Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo C/qaadir Cosoble ayaa ku qasban inay si hoosena u taageeraan Cali Guudlaawe, taasoo ay ugu wacan ahay sida dhow ee ay isku jufada u yihiin iyo xisaabaad gudaha ah oo khaldamaya.

    Beesha Hiiraan

    Beesha Hiiraan ugu weyn ee xilka Madaxweynaha u doodeysay waxaa qeylo-dhaantii ay wadeen kala dhantaalay markii wasiirka Arrimaha gudaha loo magacaabay Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, xilkaas oo qataar ku noqday siyaasiyiinta Beesha ee gadoodsanaa kuna kacsanaa Madaxweyne Farmaajo, markii uu arrintan qeyb ka noqday Ugaaska Beesha oo u dhowaaday Farmaajo.

    GABAGABO

    Arrimahaas oo dhan marka la isku daro waxay Hirshabeelle Beylah uga dhigeen inay ka adeegtaan Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, kana fushadaan qorshahooda dhow inkastoo inay xaqiijiyaan damacooda Doorashada Federalka ee 2020/2021 aan lagu qiyaasi karin sida Hirshabeelle ugu toostay.

    Faaqidaad: Wadani

    Cali Guudlaawe Doorashada Hirshabeelle Farmaajo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Sheekh Shariif Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiiradii Amniga iyo Arrimaha Gudaha oo xilalkii wareejiyey & Ra’iisal wasaare Rooble oo… (Sawirro)
    Next Article Madaxtooyada Soomaaliya oo War kasoo saartay Xadgudubka lagu hayo Diinta Islaamka & Nebiga NNKH

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo