Waxaa magaalada Nairobi ku soo dhammaaday shalay kulamo qarsoodi ah oo halkaasi ku dhex maray musharixiin madaxweyne iyo mas’uulyiinta maamulada qaarkood.
Shirkan oo daba socday kulankii magaada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta loogu qabtay madaxda maamul goboleedyada Soomaalida ayaa waxaa ka qeyb galay saddex ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo kala ah:
- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
- C/raxmaan Cabdishakuur Warsame
- iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan
Waxaa ku wehliyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo saaxiib dhow la ah dalka Kenya, waxayna warar xogogaal ah sheegayaan in looga hadlay qorshe ay Kenya wadato oo ah in musharixiinta ay taageerto ay ku midoobaan hal musharax si looga adkaado madaxweynaha doonaya inuu dib u soo laabto ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Cumar C/rashiid ayay noqoneysaa markii afraad ee uu tago Nairobi isagoo ku jira ololaha doorashada 2016, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu Sheekh Shariif Axmed uu si aan toos ah shirka uga qeyb galay.
Dowladda Kenya ayaa daneyneysa inay dib ugu soo laabtaan talada xukuumaddii sanadkii 2009 ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, ra’iisal wasaaraheeduna ahaa Cumar C/rashiid iyo wasiirkeedii Qorsheynta C/raxmaan C/shakuur.
Ma jiro heshiis lagu gaaray musharax ay taageerto dowladda Kenya, waxaana arrinta caqabad ku noqday Shariif Xasan oo isagu sheegay inuu musharax yahay.
Wadani.com