Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Madaxda maamul Goboleedyada taageersan..?

    XOG: Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Farmaajo & Madaxda maamul Goboleedyada taageersan..?

    January 8, 2021Updated:January 16, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya galabta kulan ku dhex maray Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul Goboleed ee taageersan.

    Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee dhex mara Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen ayaa waxaa dhinaca kale ka qeyb galay Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed, iyadoo looga hadlay xaaladda Doorashooyinka iyo sidii xal hore loogu dhaqaajin lahaa.

    Xogta laga helay qeybtii hore ee shirka oo weli socda ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmajo uu ka dalbaday saddexda maamul Goboleed inay degdeg u bilaabaan Doorashada Senatoorada Aqalka Sare, ayna toddobaadka danbe bilaabaan Doorashada xubnaha Aqalka Sare, isla markaana wixii kale lagu xalin doono wadahadal.

    Madaxweynaha K/Galbeed ayaa diyaar u ah inuu qabto Doorashada Aqalka Sare, halka Madaxwyenayaasha Galmudug iyo Hirshebeelle ay ka caga-jiidayaan inta xal laga gaarayo caqabadaha hortaagan Doorashada. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa caqabad ka heysataa magaalada Beledweyne oo su’aal ka taagan tahay sida Doorasho uga dhici karto.

    Waanwaantii uu waday Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo koobantay su’aalo lagu soo celiyey oo ku saabsan xubnaha Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal, arrinta Doorashada Gobollada Waqooyi oo la isku mari la’ yahay iyo xaaladda Gobolka Gedo oo wax horumar ah aan laga sameyn.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal xoog leh ugu jira ilaa 15-ka Janaayo magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Baydhaba iyo Dhuusamareeb lagu doorto senatoorada Aqalka sare tiro gaareysa ilaa 30 xubnood.

    Kulumada Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul Goboleedyada ee taageersan ayaa mar kale dib u bilowday caawa, waxaana lagu wadaa in go’aano looga gaaro Doorashada, iyadoo arrinta ugu adag ee Gobolka Gedo ay jawaab ka sugayaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo farriintooda usoo dhiibay Madaxweyne Qoorqoor.

    Cali Guudlaawe Doorashada Farmaajo Lafta-gareen Qoorqoor Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho iyo madax ka qeyb gashay
    Next Article Ciidamo uu Amray Madaxweyne Farmaajo oo Diyaarado lagu geeyay magaalada Beledweyne iyo Ujeedka..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo