Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»XOG: Maxaa keenay Dagaalka Siyaasadeynta ‘Hantida Guud’ ee ka dhex Qarxay Farmaajo iyo Rooble..?

    XOG: Maxaa keenay Dagaalka Siyaasadeynta ‘Hantida Guud’ ee ka dhex Qarxay Farmaajo iyo Rooble..?

    September 1, 2021Updated:September 2, 20213 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka Gobolka Banaadir oo ka amar qaadanaya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa maanta qarxiyey dagaal siyaasadeed nooc cusub ah oo lagu gelayo magaca ‘Soo celinta Hantida Guud’, kadib markii ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo maamulka isbitaallada waaweyn ee Jazeera iyo Yardimeli ee magaalada Muqdisho.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inay arrintan ka dambeysay kulan lagu kala tegay oo dhowaan dhex maray Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, kana dhacay Madaxtooyada Somaliya, waxaa madaxda ka qeyb galay ka mid ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Baarlamaankii 10-aad Maxamed Mursal, waxaana Farmaajo uu ka dalbaday Rooble inuu dhiso Doorashada dadban, kuna taageero in mar kale dib loo doorto, laakiin waxaa arrintaas ka hor yimid Rooble oo si cad ugu sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay Doorashada.

    Xiriirka Farmaajo iyo Rooble oo halkii ugu xumaa gaaray, kadib socdaalkii Ra’iisal wasaaraha ku tegay dalka Kenya, ayaa mar kale xumaaday oo tegay heerkii ugu hooseeyay toddobaakan, waxaana arrintan ay keentay in kooxda Farmaajo ay weeraro qarsoon oo siyaasadeed ku beegsadaan Rooble iyo siyaasiyiinta saaxiibada la ah.

    Weerarkii koowaad wuxuu ku dhacay gacan-yaraha iyo saxiibka ugu weyn Rooble oo ah wasiirkisa Waxbarashada C/llaahi Abuukar Carab, kaasoo ah xildhibaan ganacsade saami badan ku leh Isbitaallada Jazeera iyo Yardimeli ee Muqdisho, isagoo kusoo galay Hay’adii uu madaxda ka ahaa ee Manhal.

    Labadan Isbitaal waxay ka siman yihiin in lagu dhisay dhul hanti Guud oo Qaran ah iyo inau dhismahooda koowaad lagu dhisay deeq umadda Soomaaliyeed loogu taloglay, laakiin waxaa ka faa’iideystay xubno uu ka mid yahay wasiirka Waxbarashada xilligan iyo Ganacsato oo maalgelin ku sameeyay, kadibna u bedelay Isbitaallo adeegyo badan bixiya oo ganacsi ah.

    Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ayaa bishii Febraayo 2020 shaacisay in Isbitaalka ku shaqeeyo si sharci darro ah oo dano gaara, looga faa’iideysto, isla markaana ay hay’adda maamusha Isbitaalka Yardimeli si sharci darro ah uga faa’iideysato deeq Soomaalida loogu talogalay. (Halkan ka akhriso)

    Khilaafka Wasaaradda iyo Maamulka Isbitaalka Yardimeli, wuxuu qaboobay markii uu dhex galay Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre, waxaana isbitaalka shirko ku ah saddex dhinac oo wasiir Carab ka mid yahay.

    Isbitaalka Jazeera ayuu sidoo kale wasiirku dhinac ka yahay, waxaana xarunta laga dhisay oo ahayd Xaruntii Ubaxa kacaanka ee UKO, bixisay dowladii hore, iyadoo laga dhisay Isbitaal ay maalgelisay dowladda Baxreyn oo indhaha loogu talogalay, iyadoo la wareegay Wasiirka iyo ganacsato degaanka ah oo ku heyb ah Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Kheyre, iyadoo maalgelin weyn lagu sameeyay, loona bedelay isbitaal guud.

    Dowladii Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxba kama qaban sidii labadan isbitaal loo waafajin lahaa sharciga, looguna koontarooli ahaa qeybta hantida guud ah ee ku jirta iyo maalgelinta ganacsiga, marka laga reebo qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo ah hay’adda ay ahayd inay qeyb ka noqoto maamulka labadan Isbitaal oo mar kasta ay horjoogeen dano siyaasadeed.

    Xilligan kala guurka ah ee Doorashada inay Isbitaalladan ka mid noqdaan dagaal siyaasadeed hoose oo u dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble waxay kaliya dhalin doontaa weji cusub oo qalallaase ah iyo inaysan ujeedadu ahayn soo celin hanti guud.

    Doorashada Farmaajo Hantida Guud Rooble
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHanti dhowrka Qaranka oo baab’iyey Heshiiskii Maqaayadda Tiyaatarka (Wasiir Dubbe oo 72 Saac loo qabtay)
    Next Article Afhayeenka Alshabaab Farriin Digniin Culus u diray Dadka ku howlan Doorashada Federaalka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo