Shirkadaha Xawaaladaha ee ka howlgala magaalada Muqdisho oo dhowaan laga xayiray isticmaalka adeegga lacagaha la isugu diro Mobile-ada ee EVC Plus oo ay leedahay shirkadda Hormuud ayaa la sheegay inay ka dambeysay markii ay fashilantay wadahadal u socday shirkadaha.
Shirkadaha xawaaladaha oo ay ugu weyn yihiin: Dahabshiil, Amal, Jubba, Hodon Global, Kaah ayaa in ka badan 90% lacagaha ugu dira macaamiishooda adeegga EVC Plus iyadoo kumanaan doolar maalintii mariya Mobile-adooda, taasoo keentay inay culeys dhinaca sharciga ah ku keento adeegga iyo shirkadda Hormuud.
Dadaallo la doonayay in shirkadaha xawaaladaha ku damaanad qaadaan lacagaha faraha badan ee ay dhex mariyaan EVC Plus ama la diiwaan geliyo ayaa la isku afgaran waayay, markii ay ka dhega adeygeen wakiilada shirkadaha xawaaladaha, taasoo dhalisay in isticmaalka adeegga EVC Plus laga xayiro ama laga yareeyo Wakiilada Shirkadaha Xawaaladaha u shaqeeya ee lacagta badan ku isticmaala.
Qaabka ay u shaqeeyaan Xawaaladaha ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay isu bedeshay tartan ka dhex jira shaqaalaha shirkad kasta gudaheeda, iyadoo lagu saleeyay mushaarka qaab ku dhisan lacagta la xawilay, waxaana adeega ugu sahlan ee loo adeegso uu noqday EVC Plus.
Wakiilada shirkadaha Xawaaladaha Muqdisho ayaa hadda adeegsada qaabab hor leh oo ay lacaga ugu diraan macaamiishooda markii xayiraad laga saaray EVC Plus, waxayna isticmaalaan xeelado kala duwan oo isugu jira telefoono badan, xisaabaad ka furan Salam Bank iyo xeelado kale.
XOG: Shirkadaha Xawaaladaha magaalada Muqdisho oo laga xayiray isticmaalka adeegga EVC Plus