Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Maxaa ku qarsoon isbedelka ku dhacay Madaxweyne Qoorqoor (Akhriso Heshiis hoose oo dhacay)

    XOG: Maxaa ku qarsoon isbedelka ku dhacay Madaxweyne Qoorqoor (Akhriso Heshiis hoose oo dhacay)

    August 18, 2020Updated:August 23, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Isbedal aan la fileyn ayaa laga dareemay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kadib shirkii jaraa’id ee uu xalay saqdii dhexe ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, isagoo ka hadlay in la furay shirkii Dhuusamareeb III.

    Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa inuu Axmed Qoorqoor heshiis hoose la gaaray Madaxweyne Farmaajo, kaasoo qof uu wato loogu magacaabayo Ra’iisal wasaare cusub, taas bedelkeedna uu madaxweynaha Galmudug taageerayo qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee Doorasho Qof iyo Cod ah oo salka ku heysa muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta.

    Qoorqoor ayaa dhow musharax oo uu wato u gudbiyey Madaxweyne Farmaajo si uu xilka Ra’iisal wasaaraha ugu magacaabo, iyadoo ay soo baxeen ilaa saddex magac oo ka mida musharixiinta uu wato Madaxweynaha Galmudug oo kala ah: Axmed C/salaan Aadan, Cawaale Kulan iyo C/kariin Guuleed.

    Heshiiskan ayaa keenay inuu cadaadis kale fuulo madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K/Galbeed, kadibna waxaa dhacday inuu Qoorqoor fududeeyay dhismaha Guddiga Farsamada uu la wareego Madaxweyne Farmaajo ayna ku shaqo bilaabaan caasimadd Muqdisho, iyagoo ka mid ahayn xubnihii ka socday Puntland iyo Jubbaland, waxaana ku xigay inuu ku dhawaaqo inuu furmay shirkii Dhuusamareeb 3, isla markaana laga heshiiyay Doorashada.

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay si cad u sheegay inuu furmay shir ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, isagoo weliba meesha ka saaray qodob ka mida kuwa ugu weyn ee ay ku doodayaan oo ah in Beesha caalamka ay damaanad qaado fulinta heshiiska lagu gaaro shirka.

    Farmaajo Heshiis qarsoodi Qoorqoor
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFanaanad lagu dhaawacay Weerarkii Alshabaab ee Hotel Elite oo geeriyootay
    Next Article Magaalada Baydhaba oo lagu toogay laba Nin oo lagu eedeeyay kufsi aan hore loo arag

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo