Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa codsi yaab leh u diray xilligan Musharixiinta Mucaaradka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.
Codsiga lama filaanka ah ee Maxamed Farmaajo ayuu sii mariyay madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa ku saabsan inuu Farmaajo doonayo inuu kulan la yeesho xubnaha Midowga Musharixiinta, si ay uga hadlaan xaaladda dalka ka taagan.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa codsiga Farmaajo gaarsiiyey madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan dhex maray, waxaana caawa dhici doona kulan balaaran oo madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle la yeelan doonaan Musharixiinta oo arrintan looga hadli doono.
Farmaajo oo maanta ay kulan xasaasi ah ugu yeereen wakiilada Beesha Caalamka ayaa wajahaya cadaadis ah inuu ka laabto muddo kororsiga uu ku dhaqaaqay, isagoo la yimid qorshe kale oo uu ku abuurayo waanwaan aan la ogeyn inay aqbali doonaan Musharixiinta oo muddo 6 bilood ka badan uu ka hortaagnaa inay qeyb ka noqdaan shirarka wadatashiga Doorashada.