Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dadaal weyn ugu jira in xilka dib loogu doorto, iskuna dayey inuu taas ku raadiyo muddo kororsi weli ku dhex jira hannaanka Doorashada ee lagu wareejiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Inkastoo magac ahaan uu Farmaajo wareejiyay maamulka doorashada, haddana waxaa jira arrimo aanu ka tanaasulin, taasoo ay ku dhisan tahay rajadiisa soo laabashada ee Kursiga Madaxweynaha, waxayna kala yihiin:
1- Xildhibaanadda Somaliland
Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu horraanba is tusay inuu 90% xildhibaannada ka imaanaya Somaliland ee lagu dooranayo Muqdisho uu isagu soo saari karo, codkoodana heli karo, isagoo qaaday tallaabooyin ka mid tahay inuu saameyn ku yeesho magacaabidda Guddiyada Doorashada Somaliland.
Wuxuu markii hore 100% soo magacaabay Xubnaha Guddiyada Somaliland ee Heer Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka, kadibna markii uu ka hor yimid Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa heshiiskii danbe Cabdi Xaashi la siiyey qeyb ahaan Guddiga (4) iyo xubin ka mida Guddiga xalinta khilaafaadka, sidaasina waxa uu dhinaca Farmaajo iyo Mahdi Guuleed ku heleen 4 xubnood iyo sadexdii xubood ee xukuumadu magacaabeysay (7 xubnood), kuwaasoo shalay u doortay iskood guddoon iyadoo ay ka maqan yihiin qeybtii kale.
Arrimahan oo dhan waxaa ugu wacan in 57-ka xubnood ee labada Aqal ee Baarlamaanka u soo gelaya Somaliland ay xisaab ugu jiraan Maxamed Farmaajo oo 50 ka mida loo sheegay inuu heli karo, waxaana Hoteellada Muqdisho muddo u deganaa dhalinyaro ay Madaxtooyada ka keentay Somaliland oo loo waday xildhibaannimo.
2- Xildhibaannada Gedo, Banaadiriga iyo Beesha Shanaad
Iyadoo xaalada Garbahaarey aan xal kama danbeys ah laga gaarin ayaa haddana guud ahaan xildhibaanada lagu dooranayo ee (16)-ka ay yihiin kuwa ugu adag ee uu ku dagaalamayo Maxamed Farmaajo inuu soo saarto.
Guddiga Doorashada Banaadiriga ee Xamar lagu qabanayo doorashadooda inkastoo ay 5 qura yihiin, hadda ahmiyad weyn ayey siiyey Madaxtooyada, waxaana guddiga maamulaya Doorashada uu ku yimid dhinaceeda.
Xildhibaannada Beesha Shanaad ayaa intooda badan taageersan Farmaajo sababo kala duwan awgood, waxayna ku jiraan kuwa uu ku tashanayo ee rajadiisa dib u doorashada qeybta ka ah. Waxaa taageerayaashiisa ka mida Khadiijo Diiriye iyo Maxamed Cumar Dalxa, inkasoo ay jiraan xubno aanu aamini karin.
3 Xildhibaannada Koonfur Galbeed
Saaxiibtinimada weyn ee kala dhaxeysa Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen waxay keenta in Farmaajo uu rajo weyn ka qabo ugu yaraan kala bar inuu heli karo cododka xildhibaannada kasoo baxaya maamulkaasi oo ah kan ugu xildhibaannada badan, lagana soo doorto 77 mudane oo labada aqal ah.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku guuleysan waayey inuu Guddiga Doorashada Somaliland ka saaro xubnihii ay wadatay Madaxtooyada ee ahaa shaqaalaha dowladda, waxana xubnaha uu soo magacaabay ee (3)-da ahaa ay sidoo kale noqdeen taageerayaasha Madaxtooyada.
Madaxweynaha doonaya in dib loo doorto balse aan weli shaacin musharaxnimadiida ee Maxamed Farmaajo iyo madaxa ololihiisa ahna Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin waxay intii awooddooda a ku bixiyeen inay ku mintidaan sidii ay gacanta ugu heyn lahaayeen Guddiga Doorashada Somaliland oo u muuqda inay ku xireen rajadooda doorashada.
Khilaafka mar kale soo laba kacleeyay ee Arrinta Guddiyada Somaliland waxay caddeyn u tahay in Farmaajo iyo Fahad aanay tanaasulin ee Rooble yahay qofka aan shaqadii laga rabay heynin
