Iyadoo xiisad siyaasadeed oo culus ay ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa soo baxay mooshin kale oo laga diyaariyey Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Mooshinkan oo xalay bilowday ayaa waxaa wada xildhibaanno taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka ee mooshinka ka yaallo, waxaana sabab looga dhigaya iyadoo Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wasiiradiisa ay hoggaaminayaan mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.
Mooshinada la isugu jawaabayo ayaa Muqdisho geliyay xaalad siyaasadeed ku cusub dowladda sanad jirka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana xarunta guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa maanta ka socda kulan ay leeyihiin guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo go’aan ka gaaraya waxa laga yeelayo mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.
Shirar is daba joog ah ayaa ka socda, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali kheyre loo gudbiyo Guddoonka Baarlamaanka.