Kulanka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya ayaa la shaaciyay in looga hadlayo arrinta sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo dowladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya.
Senatoorada taageersan xukuumadda ayaa wada Mooshin looga saarayo ajendaha Aqalka Sare arrinta Qalbi dhagax, taasoo ay kasoo shaqeeyaan taageerayaasha xukuumadda Soomaaliya.
Kala bar xildhibaannada Aqalka sare ayaa wada mooshinka ujeedkiisu yahay in kulanka Aqalka sare looga saaro ajandaha Qalbi dhagax, taasoo la filayo in aqalka sare ka hor istaagto inuu Aqalka Sare soo farageliyo kiiska C/kariin Qalbi dhagax.
Aqalka Sare oo howshiisu tahay inuu federaalka ka difaaco danaha maamul goboleedyada ayaa xildhibaanno badan u arkaan inuu dhex galayo arrimo shaqadiisa ahayn, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay Guddoomiyaha iyo ku xigeenka koowaad oo qeyb ka ah arrintan.
Wadani
XOG: Abshir Bukhaari oo hoggaaminaya ololaha looga horjeedo Xukuumadda [Dagaal siyaasadeed socda]