Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in musharixiinta xilka Madaxweynaha ee mucaaradka ay ku soo jeedaan caasimadda Muqdisho, iyagoo kasoo guuraya magaalada Nairobi oo fadhi u ahayd.
Musharaxiinta maalmaha soo socda kusoo fool leh Muqdisho waxaa ka mida: C/kariin Xuseen Guuleed, Xasan Cali Kheyre, Daahir Maxamuud Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno kale; waxaana la sheegay inay dhaqdhaqaaqooda doorashada ka bilaabi doonaan Muqdisho.
12 Musharax ayaa dhowaan Nairobi ka soo saaray qoraal ay ku qaadaceen Guddiyada Doorashada ee dowladda Federaalka ay magacawday, waxayna ku eedeeyeen inay ku jiraan xubno ka mida gacan-yareyaasha Madaxweynaha iyo saraakiil ka tirsan NISA.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowaan kusoo laabtay magaalada Muqdisho, iyagoo aan wax dhaqdhaqaaq ah sameynin. Waxaana hadda la isku hayaa guddiyada Doorashada oo dhismahooda muran ka taagan yahay.
Wararka ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ay ku dhawaaqi doonaan Gole ay ku mideysan yihiin, kaasoo olole ka bilaabi doona magaalada Muqdisho si ay uga hor tagaan qorshaha doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.
Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay farageliso is-mari waaga ka taagan Doorashada oo ka yimid Guddiyadii ay magacawaday dowladda Federaalka, iyadoo weli Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan dowladda Federaalka u gudbin xubnahooda doorashada heer dowlad Goboleed.
